June 2014

Tuesday, June 3, 2014

Dhibaatada Diyaanada Iyo Gabdhaha Soomaaliyeed


Gabadha Soomaaliyeed waa kuwa leh Qurux Iyo Midab Dahabi ah oo aan la helin dunidana lacag lagu baadi goobo, lakiin nasiib darro gabdho badan oo Soomaaliyeed Waxay Midabkooda Rabbigay Siiyay Ee Quruxda badan ku bedeleen Midab Mac-Mal ah oo Suuqa laga soo iibsaday, xaqiiqdiina ah mid dhibaato Iyo Xanuuno u keeni kara lehna khataro aad u fara badan Waxyeelada diyaanada Diyaanadu waa walxo kiimiko ah oo laga sameeyo waxyaalo la isku dardaray oo halis ah. qofkii isticmaalana ku reebaya difeeto aan laga soo waaqsan oo sababaya in jirkiisu uu ka dhinto dheecaanadii awooda siinayay maqaarka oo ay dhacdo in jirkiisu qofku noqdo mid aan awood u lahayn in uu iska difaaco qoraxda ama waxyaalaha dadka sara sida Sakiinta oo marnaba ay suura galin in qofkaasu tolanto oo jirkiisu noqdo sidii caadiga ahaa