Faallo

Showing posts with label Faallo. Show all posts
Showing posts with label Faallo. Show all posts

Monday, February 23, 2026

Iiraan Maaha Venezuela: Fikrada Khaldan ee Trump.


Dhawaanahan, waxaa soo baxayay hadallo ka soo yeerayay dhanka madaxweyne Donald Trump iyo qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa oo ku aaddan in hoggaanka sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei oo 86 sanno jir ah, laga takhaluso si nidaamka dalkaas loo beddelo. Waxay u muuqataa in maamulka Trump uu rabo inuu Iiraan u isticmaalo "Habkii Venezuela" ee xabsiga loogu taxaabay Nicolas Maduro.

Balse, waxaa jirta su’aal weyn oo u baahan jawaab maangal ah: Ma isku mid baa Iiraan iyo Venezuela?

​1. Waa in la fahmaa caqiidada ay aamminsan yihiin Muslimiinta Shiicada ah. Sida uu qabo falsafadda Shiicada, geeridu ma aha dhammaad ama baaba’ jidheed. Waxay u arkaan geerida mu’minka inay tahay sidii isagoo iska bixiyey dhar wasakh ah (adduunka dhibka badan) oo xirtay dhar aad u qurux badan (nolosha aakhiro iyo naxariista Eebbe).

​Falsafaddan "Shahaadada" waxay salka ku haysaa dhacdadadii Karbala iyo dhiigga Imaam Xuseen. Shiicadu waxay sannad kasta xusaan dhiiggaas daatay, iyagoo u arka in qofka u dhinta jidka xaqa ah uu yahay kan guulaystay. Haddaba, sidee baad ku cabsiin kartaa qof u hamuun qaba waxa aad adigu ugu hanjabayso?

​2. Isbarbardhigga Khamenei iyo Maduro; ​Trump wuxuu moodaa in nidaamka Iiraan uu ku dhisan yahay shakhsi kaliya ama dhaqaale sida kan Venezuela.

​Venezuela: Maduro wuxuu ku tiirsan yahay ciidan iyo dad dantu isku keentay. Markii caddaadisku batay, nidaamku wuxuu qarka u fuulay burbur.

​Iiraan: Cali Khamenei looma arko madaxweyne siyaasadeed oo kaliya; waa "Wali al-Faqih" (Hoggaamiye Ruuxi ah). Dilka hoggaamiye diimeed oo heerkaas gaarsiisan looma arko guuldarro siyaasadeed, balse waxaa loo arkaa "Shahaado" dhalinaysa kacdoon diimeed oo caalami ah.

​3. Haddii Trump uu dilo Khamenei, ma dhici doonto in nidaamku dumo. Iiraan waxay leedahay goleyaal dastuuri ah (Guddiga Khubarada) oo isla saacado gudahood magacaabaya hoggaamiye cusub. Sidoo kale taageerayaasha Iiraan ee gobolka waxay u arki doonaan dilkaas "Xaq-u-dirir" u baahan aargoosi degdeg ah.

Xataa kuwa mucaaradka ku ah gudaha Iiraan waxay u midoobi doonaan difaaca qarannimadooda marka ay arkaan in hoggaamiyahoodii dibedda laga soo weeraray. Waana u dhaqan arrinkaasi Iiraaniyiinta.
​Oday Trump iyo kooxdiisu waxaysan xisaabta ku darsan in "Dhiigga" uu yahay matoorka dhaqaajiya caqiidada Shiicada. In la dilo hoggaamiye 86 jir ah oo shalayba is-macsalaameeyay ma aha guul istaraatiijiyadeed, balse waa khamaar horseedi kara khasaaro dagaal oo aan wax isbeddel ah ku keenin nidaamka Iiraan.
 
Siyaasadda caqliga ku dhisan waxay u baahan tahay inaad fahamto waxa uu qofka ka soo horjeeda rumeysan yahay intaadan duullaan qaadin.

Yusuf Ali Adan 

Sunday, February 22, 2026

Saameynta ka dhalan karta "Madax-goynta" Hoggaanka Iiraan


Waxaa dunida dacalladeeda hadal-hayn weyn ka dhex dhaliyay wararka sheegaya in Donald Trump uu qorshaynayo "Madax-goyn" ka dhan ah hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Aayatullaah Khamenei. 

George Galloway, oo ah aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha bariga dhexe, dhowr jeerna soo noqday xildhibaan baarlamaanka Ingiriiska ayaa soo saaray digniin culus oo uu ku tilmaamay qorshahaas mid horseedi kara masiibo caalami ah.

Galloway wuxuu su’aal geliyaa aqoonta Trump u leeyahay dhuuxa iyo dhaqanka dadka Iiraaniyiinta ah. Halka reer Galbeedku ay aaminsan yihiin in khaarajinta hoggaamiyuhu ay horseeddo burbur, Iiraan waxay ku dhisantahay "Falsafadda Shahiidnimada". Sida uu Galloway leeyahay, Shiicadu waxay dhimashada u arkaan sharaf, dilka Khamenei-na maaha mid cabsi gelinaya 90 milyan oo Iiraaniyiin ah, balse waa "shidaal lagu shubay dab horey u gubanayay".

Iiraan: Maaha Kaliya Dawlad, waa Ilbaxnimo
​Waa inaan la illaawin in Iiraan ay tahay mid ka mid ah ilbaxnimooyinka ugu faca weyn dunida. Galloway wuxuu carrabka ku dhuftay:
​Wadaninimada: Dadka Iiraaniyiintu marnaba ma aqbalayaan "nin shisheeye ah" oo dalkooda amraya.

​Kala-qaybsanaanta Reer Galbeedka: In loo haysto in kooxaha xorriyad-doonka ah ama kuwa "Woke-ka" ah ay talada la wareegayaan waa riyo maalmeed; waxaa dalka dhexdiisa ku dhiman doona kumanaan, waxaana gacan sarreyn doona inta hubka iyo xamaasadda leh.
Gariirka Dhaqaalaha iyo Amniga Caalamka
​Haddii Iiraan la taabto, saameyntu kuma ekaan doonto xuduudaheeda:
​Saliidda: Foostada saliidda oo gaarta $250 waxay la macno tahay in Yurub ay geli doonto mugdi iyo qabow daran.

Khaliijka: Magaalooyinka horumarka leh sida Dubay waxay waayi doonaan "nabaddii iyo xasilloonidii" ay ku faanayeen.

Qaxootiga: Hirar qaxooti ah oo aan la xakameyn karin ayaa ku fatahi doona Turkiga iyo Yurub, taas oo dhalin karta kacdoonno hor leh.

​Galloway wuxuu rumaysan yahay in Trump uu iska indha-tirayo fursadaha nabadda. In kasta oo Iiraan ay dhowr jeer sheegtay inaysan rabin nukliyeer, Trump wuxuu dooranayaa jidka ugu khatarta badan.

​"Haddii falkaas uu dhaco, waxaa la furi doonaa Albaabbada Naarta, ololkaasna iftiinkiisa waxaa laga arki doonaa ilaa Tel Aviv."

​Maxay kula tahay? Ma u malaynaysaa in dunidu diyaar u tahay dhibaatada ka dhalan karta iska-hor-imaad toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Iiraan? 


Yusuf@yusufali.site 

Tuesday, February 17, 2026

Wariyaha Mihnadda leh iyo Wariyaha Is-tuska ah.


Wariyuhu marka uu qof waraysi ka qaado, hadafkiisu waa inuu baahiyo si dadweynuhu wax u ogaadaan. Haddii wariyuhu uu isagu is hortaago baahinta waraysigaas isagoo u sababaynaya "lebiska qofka" ama "muuqaalkiisa," taasi waxay ka baxsan tahay mihnadda saxaafadda. 
Waqti lumis: Qofka aad waraysiga ka qaaday ayaad waqti ka dhumisay.
​Faafreeb (Censorship): Waxaad noqonaysaa qof adigu xannibaya xogta halkii aad faafin lahayd.

Aragtida Sharciga iyo Anshaxa (Ethics)
​Saxaafadda caalamiga ah, haddii qofka la waraysanayo uusan jebin xeerarka anshaxa ama uusan ku baaqin rabshad, wariyuhu xaq uma laha inuu ka saaro "muuqaalkiisa" darteed haddii uu markii horeba oggolaaday.

​Haddii aad leedahay "Waraysi aan qaaday ayaan diiday inaan baahiyo," taasi maahan guul wariyenimo, balse waa fashil ku yimid ujeedkii waraysiga laga lahaa. Waxay u muuqataa qof raba inuu dadka u sheego: "Anigu waxaan ahay qof saafi ah oo aan baahinin wax lebiskaas leh," taasna waa is-tusnimo ee maaha saxaafad.

Haddaba aan is weydiine waa maxay farqiga u dhaxeeyaha Wariyaha Mihnadda leh (Professional) iyo Wariyaha Is-tuska ah (Attention-seeker):

​- Wariyaha Mihnadda leh: Hadafkiisu waa baahinta xogta iyo inuu dadka gaarsiiyo waxa uu qofka la waraysanayo sheegayo. Wuxuu ixtiraamaa ra'yiga iyo aqoonta qofka uu hor fadhiyo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Hadafkiisu waa inuu isagu muuqdo. Wuxuu rabaa in dadku isaga ka hadlaan (Personal branding) halkii ay ka hadli lahaayeen nuxurka warka. Wuxuu adeegsadaa qofka uu waraysanayo si uu asagu ammaan uga helo qayb ka mid ah bulshada.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu fiiriyaa xeerarka anshaxa saxaafadda (Ma run baa? Ma lagama maarmaan baa? Ma loo baahan yahay?). Haddii uu qof aqoonyahan ah waraysanayo, ma dhibayso lebiskiisu ilaa uu yahay mid meel-ka-dhac ku ah qiyamka guud, laakiin kama dhigo cudurdaar uu waraysiga ku gubo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu xoogga saaraa shakliga iyo muuqaalka kore. Wuxuu iska dhigaa "Ilaaliyaha anshaxa" isagoo isticmaalaya "Double Standards" (Laba-wejiileyn). Tusaale: Wuxuu ogolaan karaa nin aan hufnayn, laakiin wuxuu diidayaa gabadh timuhu u muuqdaan si uu "Ducaysane" uga helo culimada ama dadka mayalka adag.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Haddii uu dhibsanayo lebiska ama muuqaalka qofka, wuxuu u sheegaa inta aan la duubin ka hor. Wuxuu yiraahdaa: "Fadlan, maadaama aan nahay TV hebel, waxaan rabnaa in lebisku sidan ahaado." Waa xirfad iyo hufnaan.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuu iska duubaa isagoo og, ka dibna markii la dhammeeyo ayuu yiraahdaa "Ma baahinayo." Tani waa khiyaano mihnadeed iyo waqti lumis uu ku sameeyay qofka martida ah.

- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu ka hadlaa dhibka taagan iyo xalka.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu Facebook soo dhigaa: "Waan diiday inaan baahiyo waraysigii heblaayo," isagoo raba in loo sacab tumo. Wuxuu ka ganacsadaa "Moral Superiority" (Inuu dadka kale iska sarreysiiyo xagga akhlaaqda).

Ugu dambayantii wariyaha runta ahi waa buundo xogta gudbisa, laakiin kan is-tuska ahi waa derbi xogta xanniba si uu isagu "sawir qurxoon" u yeesho.



Yusuf Ali Adan
Yusuf@yusufali.site 

Monday, June 7, 2021

Gabooye/Midgaan/Boon Ma guurbaa ka maqan mise caddaalad?



Ninna ma odhan khasab ha lagu guursado wiilasha ama gabdhaha Gabooye, Boon, Jareer I.w.m. balse haddii gabadh laga soo doontay ama wiil iyo gabar is-calmaday aad khasab ku kala kaxaysid adigoo fiirin qabiilka wiilka ama gabadha sow taasi dembi maaha?, Soomaalidu intooda badan waa dad isu guursada xigaalo iyo qaraabo i.w.m. qaba'iilka aad hayb-sooca ku samayseena dabcan maaha kuwa guur idiinka tuugsan ee waxay idiin weydiisan oo keliya markii la idiin baahdo inaan dembi laga dhigin guurkooda. Sidoo kale waxay idiinka doonayaan waa inaad u oggolataan xaqqooda saamiga awoodda madama ay yihiin sida aan annigu aaminsan ahay dadka Soomaalida ugu tiro badan, iyo inaad shaqooyinkooda iyo hibooyinka Eebbe siiyay ku ixtiraamtaan.

Dalalka Galbeedka ee aan ku nool nahay shaqooyinka dadkaasi carruurtooda yaryari aqoonta u leedahay iska dhaaf waayeelkoode jaamacaddo iyo iskuulo farsamo gacmeed ayaa loo raadsada. Innaguna halkii aan ka faa'iideysan lahayn ayaan ceeb uga dhigayna, ku aflagaadaynaynaa, sharaftoodana meel uga dhacaynaa innagoo ugu wacayna magacyo dabcan qaarkood aysan raalli ka ahayn.
Yaysan dooddu idiinla eekan keliya guur, guurku khasab maaha ee waa dookh iyo ka helitaan, labadii iska hesha ha is guursadeen, oo ceeb ha ka dhigina weeye mida laga hadlaya iyo in la isku ixtiraamo shaqooyinka, lana kala faa'iideysto.
Waxaan aaminsan ahay haddii laga faa'iideysan lahaa dadka la quursanaayo inuu dalkeennu ka mid noqon lahaa dalalka adduunka ugu horumarsan dhinaca tiknoolijiyada iyo farsamada gacanta.

W/Q Yusuf Cali Aadam

Saturday, March 20, 2021

Intuu qabtay Siyaad Barre ayaa ka badan intuu bi'iyey.


Maaha wax la dafiri karo waxqabadkii maamulkii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, laga soo billaabo dhismaha dalka, qoritaanka afka soomaaliga iyo weliba inaan ahayn dal dadkiisu uusan meel kasta ku dayacnayn.
Dalku wuxuu lahaa dowlad baasaboorkeeda la aqoonsan yahay, waxbarasho illaa heer jaamacaddeed oo lacag la'aana, cusbitaalo bilaash ah, ciidan ilaaliya xuduuddaheena badda, cirka iyo dhulka oo aan ahayn mooryaan umulo dooxa. Muwaadinka Soomaaligu wuxuu ahaa mid sharaf leh, dunidana qaxooti kuma ahayn meel kasta; hooyo iyo ilmo Soomaaliyeed kuma dhibaataysneyn qurbe, baddaha dhallinyaro Soomaaliyeed iyagoo gaajo ka cararaya uguma geeriyooneyn. Sidoo kale Kenyaati damac ugama jirin badda Soomaaliya taas beddelkeeda NFD ayaa Soomaali raadinaysay inay xor ka noqoto gumaysiga Kuukuyo.

Ma lihi maamulkii Siyaad Barre wuxuu ahaa shariif ka maran ceeb ama xadgudub binu aadannimo, balse wuxuu dhaamay kun jeer horjoogeyaasha waqtigan mustaqbalka tiray boqolaalka dhallinyarada ah.... maanta Soomaalida afsoomaaliga qori iyo akhrin ogi; waa ka yar tahay tiradii soddon sanno ka hor ay joogtay. 

Waxaan aaminsan ahay haddii maanta dowladdii Soomaaliya sii jiri lahayd inaan dunida meel sare ka joogi lahayn.

Yusuf Cali

Friday, March 16, 2018

Wednesday, June 7, 2017

Thursday, March 26, 2015

Wednesday, March 25, 2015

Tuesday, March 17, 2015

Sunday, March 15, 2015

Thursday, February 19, 2015

Kulankii golaha wasiirada ee Twitter-ka & Facebook caqabadda ku noqdeen (sheeko kaftan siyaasadeed huwan oo qosol leh)


Waa kulankii golaha wasiirada miis wareegsan oo ay hareeraha ka tuban yihiin kuraas qurux badan ayaa lagu wada fadhiyaa, waxaa dhulka yaal roog buluug ah oo cagtu ku raaxaysanayso

Tuesday, January 27, 2015

Monday, January 19, 2015

Saturday, January 10, 2015

Thursday, January 8, 2015

Friday, January 2, 2015

Wednesday, December 31, 2014

Monday, December 29, 2014