Maxaa Sababay Baqdinta Horjoogaha Garowe?
Waxaa muuqata in horjoogaha Puntland, Siciid Deni, ay la soo deristay baqdin dhanka kursigiisa ah, gaar ahaan tan iyo markii uu maamulka Xasan Sheekh saamaynta ku yeeshay magaalada Baydhabo.
Deni wuxuu billaabay dhaqdhaqaaqyo is-difaac ah oo ay ka mid yihiin:
●Magacaabista saraakiil ciidan: Si uu u xoojiyo daacadnimada taliska.
●Aruursiga maleeshiyo cusub: Isagoo isku dayaya inuu abuuro gaashaan ciidan.
●Maalgelinta falal amni-darro: Waxaa jira warar sheegaya inuu lacagta canshuurta dadka Puntland u adeegsanayo hurinta khalkhal siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Xamar.
Su'aasha Isweydiinta Mudan Waa: Deni yuu ka cabsanayaa?, Ma Xasan ayuu ka cabsanayaa mise dadkiisa?
In kasta oo loolanka Xasan Sheekh uu jiro, haddana xaqiiqadu waxay tahay in cabsida ugu weyn ee horjooge Deni aysan ahayn maamulka Xamar, balse ay tahay shacabka Puntland ee uu xoolahooda boobay, horumarkoodiina ragaadiyay.
Xasan Sheekh Maxamud ma awoodeen inuu isagoo Xamar jooga ciidan iyo taageero ka dhex helo Boosaaso, tuulo Garowe iyo Gaalkacyo, haddii uusan Deni noqon lahayn "adeege shisheeye" oo danta dadkiisa ka hormariyay tiisa gaarka ah.
Odayaasha iyo dhallinyarada #Puntland uma soo jeensadeen dhanka maamulka Xamar haddii ay ku qanci lahaayeen hoggaanka Deni.
Magacaabista saraakiisha iyo dhismaha ciidan ee uu hadda wado horjooge Deni "sambuus laga adimay" waa hawl fashilantay oo aan miro-dhal lahayn. Ma jirto cid maalin barkeed u dagaallami doonta maamul lumiyay kalsoonidii dadweynaha.
Deniyow, dadka ha lugoyn; Imaaraadka si kasta oo aad ku tegi karto ku tag, kana raacdo laanji.