Wariyaha Mihnadda leh iyo Wariyaha Is-tuska ah.

Tuesday, February 17, 2026

Wariyaha Mihnadda leh iyo Wariyaha Is-tuska ah.


Wariyuhu marka uu qof waraysi ka qaado, hadafkiisu waa inuu baahiyo si dadweynuhu wax u ogaadaan. Haddii wariyuhu uu isagu is hortaago baahinta waraysigaas isagoo u sababaynaya "lebiska qofka" ama "muuqaalkiisa," taasi waxay ka baxsan tahay mihnadda saxaafadda. 
Waqti lumis: Qofka aad waraysiga ka qaaday ayaad waqti ka dhumisay.
​Faafreeb (Censorship): Waxaad noqonaysaa qof adigu xannibaya xogta halkii aad faafin lahayd.

Aragtida Sharciga iyo Anshaxa (Ethics)
​Saxaafadda caalamiga ah, haddii qofka la waraysanayo uusan jebin xeerarka anshaxa ama uusan ku baaqin rabshad, wariyuhu xaq uma laha inuu ka saaro "muuqaalkiisa" darteed haddii uu markii horeba oggolaaday.

​Haddii aad leedahay "Waraysi aan qaaday ayaan diiday inaan baahiyo," taasi maahan guul wariyenimo, balse waa fashil ku yimid ujeedkii waraysiga laga lahaa. Waxay u muuqataa qof raba inuu dadka u sheego: "Anigu waxaan ahay qof saafi ah oo aan baahinin wax lebiskaas leh," taasna waa is-tusnimo ee maaha saxaafad.

Haddaba aan is weydiine waa maxay farqiga u dhaxeeyaha Wariyaha Mihnadda leh (Professional) iyo Wariyaha Is-tuska ah (Attention-seeker):

​- Wariyaha Mihnadda leh: Hadafkiisu waa baahinta xogta iyo inuu dadka gaarsiiyo waxa uu qofka la waraysanayo sheegayo. Wuxuu ixtiraamaa ra'yiga iyo aqoonta qofka uu hor fadhiyo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Hadafkiisu waa inuu isagu muuqdo. Wuxuu rabaa in dadku isaga ka hadlaan (Personal branding) halkii ay ka hadli lahaayeen nuxurka warka. Wuxuu adeegsadaa qofka uu waraysanayo si uu asagu ammaan uga helo qayb ka mid ah bulshada.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu fiiriyaa xeerarka anshaxa saxaafadda (Ma run baa? Ma lagama maarmaan baa? Ma loo baahan yahay?). Haddii uu qof aqoonyahan ah waraysanayo, ma dhibayso lebiskiisu ilaa uu yahay mid meel-ka-dhac ku ah qiyamka guud, laakiin kama dhigo cudurdaar uu waraysiga ku gubo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu xoogga saaraa shakliga iyo muuqaalka kore. Wuxuu iska dhigaa "Ilaaliyaha anshaxa" isagoo isticmaalaya "Double Standards" (Laba-wejiileyn). Tusaale: Wuxuu ogolaan karaa nin aan hufnayn, laakiin wuxuu diidayaa gabadh timuhu u muuqdaan si uu "Ducaysane" uga helo culimada ama dadka mayalka adag.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Haddii uu dhibsanayo lebiska ama muuqaalka qofka, wuxuu u sheegaa inta aan la duubin ka hor. Wuxuu yiraahdaa: "Fadlan, maadaama aan nahay TV hebel, waxaan rabnaa in lebisku sidan ahaado." Waa xirfad iyo hufnaan.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuu iska duubaa isagoo og, ka dibna markii la dhammeeyo ayuu yiraahdaa "Ma baahinayo." Tani waa khiyaano mihnadeed iyo waqti lumis uu ku sameeyay qofka martida ah.

- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu ka hadlaa dhibka taagan iyo xalka.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu Facebook soo dhigaa: "Waan diiday inaan baahiyo waraysigii heblaayo," isagoo raba in loo sacab tumo. Wuxuu ka ganacsadaa "Moral Superiority" (Inuu dadka kale iska sarreysiiyo xagga akhlaaqda).

Ugu dambayantii wariyaha runta ahi waa buundo xogta gudbisa, laakiin kan is-tuska ahi waa derbi xogta xanniba si uu isagu "sawir qurxoon" u yeesho.



Yusuf Ali Adan
Yusuf@yusufali.site 

0 Fikirkaaga :