Billowga Saaxiibtinimada madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Deni Yaxaas.

Tuesday, February 17, 2026

Billowga Saaxiibtinimada madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Deni Yaxaas.


Waxa jiri jiray Danyeer deggen geed tufaax oo ku yaalla qarka wabiga Shabeelle. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa geedka hoostiisa yimid Yaxaas aad u gaajaysan oo Puntland ka soo hayaamay. 

Danyeerkii oo naxariis leh ayaa dhowr xabbo oo tufaax ah u tuuray Yaxaaskii.

​Yaxaaskii aad buu ugu farxay dhadhanka tufaaxa, wuxuuna bilaabay inuu maalin kasta u yimaado Danyeerka si ay u sheekaystaan, tufaaxna u siiyo, waxayna noqdeen saaxiibo dhow.
Maalin ayaa ​Yaxaaskii, tufaax u geeyay xaaskiisii oo tuulo Garoowe joogta. Markii ay dhadhamisay, ayay tiri: ​"Haddii uu tufaaxan sidan u macaan yahay, qofka maalin kasta cuna wadnihiisu sow kama macaan badna?. Waxaan rabaa inaad ii keento wadnaha saaxiibkaa Danyeerka.

​Yaxaaskii markii hore waa diiday, laakiin xaaskii ayaa ku adkaysatay ilaa uu ugu dambayn oggolaaday inuu saaxiibkiis khiyaameeyo.

​Yaxaaskii ayaa u yimid Danyeerkii wuxuuna ku yiri: "Saaxiib, xaaskayga ayaa kugu martiqaadday casho caawa si ay kaaga mahadceliso tufaaxa." 

Danyeerkii wuu oggolaaday, wuxuuna ku booday dhabarka Yaxaaska si uu wabiga uga gudbiyo oo tuulo Garoowe loo geeyo.

​Markii ay dhexda marayeen, Yaxaaskii ayaa dareen damqasho leh dareemay oo runta u sheegay Danyeerkii: "Saaxiib, xaaskayga ayaa rabta inay wadnahaaga cunto."

​Danyeerkii oo aad u argagaxay laakiin aad u caqli badnaa ayaa ku yiri Yaxaaskii: ​"Saaxiib, mar hore iigu sheegi wayday? Annaga danyeerada ah wadnahayaga kuma sidano feeraha, ee waxaan kaga tagnaa geedka tufaaxa dushiisa markaan meel aad u fog aadayno. Na celi si aan u soo soo qaadne dumaashi!".
​Yaxaaskii doqonka ahaa ayaa rumeeystay warkii danyeerka, dib ayuuna u celiyay. Markii ay berriga ku dhawaadeen, Danyeerkii ayaa si degdeg ah ugu booday geedkii tufaaxa dushiisa.

​Markii uu ammaan helay, ayuu yiri: "Nacas yahayow, ma jiraa qof wadnihiisa geed kaga taga?. Maanta wixii ka dambeeya saaxiibtinimadeenii way dhammaatay!.

Yusuf Cali 
Yusufcadam@gmail.com 

0 Fikirkaaga :