Iiraan Maaha Venezuela: Fikrada Khaldan ee Trump.

Monday, February 23, 2026

Iiraan Maaha Venezuela: Fikrada Khaldan ee Trump.


Dhawaanahan, waxaa soo baxayay hadallo ka soo yeerayay dhanka madaxweyne Donald Trump iyo qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa oo ku aaddan in hoggaanka sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei oo 86 sanno jir ah, laga takhaluso si nidaamka dalkaas loo beddelo. Waxay u muuqataa in maamulka Trump uu rabo inuu Iiraan u isticmaalo "Habkii Venezuela" ee xabsiga loogu taxaabay Nicolas Maduro.

Balse, waxaa jirta su’aal weyn oo u baahan jawaab maangal ah: Ma isku mid baa Iiraan iyo Venezuela?

​1. Waa in la fahmaa caqiidada ay aamminsan yihiin Muslimiinta Shiicada ah. Sida uu qabo falsafadda Shiicada, geeridu ma aha dhammaad ama baaba’ jidheed. Waxay u arkaan geerida mu’minka inay tahay sidii isagoo iska bixiyey dhar wasakh ah (adduunka dhibka badan) oo xirtay dhar aad u qurux badan (nolosha aakhiro iyo naxariista Eebbe).

​Falsafaddan "Shahaadada" waxay salka ku haysaa dhacdadadii Karbala iyo dhiigga Imaam Xuseen. Shiicadu waxay sannad kasta xusaan dhiiggaas daatay, iyagoo u arka in qofka u dhinta jidka xaqa ah uu yahay kan guulaystay. Haddaba, sidee baad ku cabsiin kartaa qof u hamuun qaba waxa aad adigu ugu hanjabayso?

​2. Isbarbardhigga Khamenei iyo Maduro; ​Trump wuxuu moodaa in nidaamka Iiraan uu ku dhisan yahay shakhsi kaliya ama dhaqaale sida kan Venezuela.

​Venezuela: Maduro wuxuu ku tiirsan yahay ciidan iyo dad dantu isku keentay. Markii caddaadisku batay, nidaamku wuxuu qarka u fuulay burbur.

​Iiraan: Cali Khamenei looma arko madaxweyne siyaasadeed oo kaliya; waa "Wali al-Faqih" (Hoggaamiye Ruuxi ah). Dilka hoggaamiye diimeed oo heerkaas gaarsiisan looma arko guuldarro siyaasadeed, balse waxaa loo arkaa "Shahaado" dhalinaysa kacdoon diimeed oo caalami ah.

​3. Haddii Trump uu dilo Khamenei, ma dhici doonto in nidaamku dumo. Iiraan waxay leedahay goleyaal dastuuri ah (Guddiga Khubarada) oo isla saacado gudahood magacaabaya hoggaamiye cusub. Sidoo kale taageerayaasha Iiraan ee gobolka waxay u arki doonaan dilkaas "Xaq-u-dirir" u baahan aargoosi degdeg ah.

Xataa kuwa mucaaradka ku ah gudaha Iiraan waxay u midoobi doonaan difaaca qarannimadooda marka ay arkaan in hoggaamiyahoodii dibedda laga soo weeraray. Waana u dhaqan arrinkaasi Iiraaniyiinta.
​Oday Trump iyo kooxdiisu waxaysan xisaabta ku darsan in "Dhiigga" uu yahay matoorka dhaqaajiya caqiidada Shiicada. In la dilo hoggaamiye 86 jir ah oo shalayba is-macsalaameeyay ma aha guul istaraatiijiyadeed, balse waa khamaar horseedi kara khasaaro dagaal oo aan wax isbeddel ah ku keenin nidaamka Iiraan.
 
Siyaasadda caqliga ku dhisan waxay u baahan tahay inaad fahamto waxa uu qofka ka soo horjeeda rumeysan yahay intaadan duullaan qaadin.

Yusuf Ali Adan 

0 Fikirkaaga :