Libaax Iyo Saddex Dibi.
Waxaa meel ku wada noolaan jirey saddex dibi. Dibiga koowaadi wuu madoobaa, ka labaadina wuu caddaa, midka saddexaadna wuu casaa. Saddexdan dibi nolol fiican ayey ku haysteen meesha ay deganaayeen oo barwaaqo ahayd. Siday u joogeen ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah la soo dersay libaax. 




