Sunday, September 13, 2020

Saturday, July 25, 2020

Bedelka Khayre ma wuxuu noqon doonna adeege cusub, mise quusiyaha damaca waalan ee Farmaajo?


Soomaalidu waxay tiraahda "labadii xaaraan ku heshiisay; xaqna kuma heshiiyaan", ugu dambeyn Xasan Cali Khayre wuxuu ku baxay fudeedkii Farmaajo lagu yiqiin. Saacado yar kadib markii xilka laga qaaday ra'iisal wasaarahii hore Xasan Cali Khayre,

Saturday, July 11, 2020

Puntland Mise Ilmo Maxamuud Laan?


Qoddob ka mid ah distuurka maamulka Puntland ayaa lahaa, awoodda oo dhan Eebbe ka sokow waxaa iska leh dadweynaha, balse waxaa muuqata in si aan waafaqsanayn shuruucda lagu heshiiyay ay hal reer oo gooni ahi ugu takrifalayaan awooddii ciidan, dhaqaale iyo maamul...iyadoo aan wax tallo ah laga gelin beelahii kale ee maamulka la dhistay.

Sunday, July 5, 2020

Nimmaan ku qabin isku qaawi!!


Haasawahii goormu noqday huga oo la iska tuuro?

Muddooyinkan dambe hasaawahii ragga iyo dumarku wuxuu isu beddelay in kaamirada moobilka la iska daawado iyadoo la qaawan yahay.... Cajiib!!!
Gabadh yahay, ilaali sharaftaada, nimmaan ku qabina ha isku qaawin. Mid ku qabana kaamiro

Tuesday, June 16, 2020

Somaliland ayaa 26kii June 1960kii xornimo qaadatay waa been fakatay.


26kii June 1960kii waxaa Hargeysa laga taagay calanka Soomaaliya.

Ingriis wuxuu hore ugu wareejiyay dhul badan oo ay Soomaali leedahay Xabashida. Dhulkaa waxaa u dambeeyay Howd oo uu wareejiyay 1954. Reer Waqooyi waxaa gashay cabsi weyn oo ah armuu adinkana idin raaciyaa Itoobiya. 

Odayaashii Waqooyi wexey u gudbiyeen maamulkii Ingriiska codsi ah in loo oggolaado iney ku biiraan walaalahood Soomaaliya ee xornimada qaadanaya 1da July 1960ka taa oo hore loo sii iclaamiyay, wexeyna dalbeen in aan laga reebin walaalahood.

Thursday, March 12, 2020

Guurka Ilhaam Cumar Iyo Tim Mynett.


Tan iyo markii ay boggeeda Instagram ku daabacday xildhibaanad Ilhaam Cumar sawir iyo farriin ay ku sheegayso inay la aqalgashay Tim Mynett. Waxxaa boggaga arrimaha bulshada ee Soomaalidu isticmaasho lagu arkayaa dadyow Soomaaliyeed oo ka falcelin  guurka Ilhaam iyo seygeeda cusub..