Monday, March 8, 2021

Ijaabo Yusuf Dhegool xaaska horjooge Siciid Deni oo la wareegtay dhulkii wasaaradda hawlaha guud ee Boosaaso



Horjooge Siciid Deni oo deegaannada Puntland looga aqoon ogyahay Jeerta Ooman ayaa ku wareejiyay xaaskiisa Ijaabo Yusuf Dhegool mulkiyada dhulkii wasaaraddii hawlaha guud ee magaalada Boosaaso, maaha markii ugu horreeysay ee qoyska Deni Jeerta ooman la wareegan hanti dadweyne.


Asbuucii hore ayay ahayd markii faraca Qardhood ee wakaaladda xooga korontada u la wareegay walaalka Ijaabo Dhegool oo lagu magcaabo Maxamed Yuusuf Dhegool.

Xigasho- www.sirqarsoon.com 

Sirqarsoon@gmail.com

Sunday, March 7, 2021

Jeerta Ooman Oo Cagta Saaray Dhabihii Afwaliinjo


 Qandaraaskii shisheeyaha 'shillinka uga cuni jiray Afwaliinjo mid la mid ah ayuu horjooge Deni Jeerta Ooman; quud ka raadiyay isagoo ka billaabay tuulada Xamur oo Boosaaso u jirta qiyaastii 40KM. Saaka hiirtii waaberi maleeshiyaad la heyb ah horjooge Deni ayaa weerar ku qaaday beeraleey aan waxba galabsan kuwaas oo laga dhigay qaar la dilo, in la xiro iyadoo hantidoodiina la burburiyay.

Afwaliinjo ayaa hore sidaan oo kale u gubay beerahii timirta ee Galgala, isagoo barakiciyay dadkii ku noola deegaankaasi. 


Jeerta Ooman ayaa xirtay kabihii Afwaliinjo ee barakicinta, burburinta iyo laynta beesha galbeedka magaalada Boosaaso. Wuxuuna ka billaabay Xamur oo ah dhul beeraad ay deegaan u ah beesha dhuunta Boosaaso deegaankeedu yahay.


Deni ayaa doonaya inuu deegaanka Xamur u burburiyo sidii Galgala, waxaana u durba billaabay inay maleeshiyaadkiisu dab qabadsiiyan beerahii timirta, sidoo kale gubaan dhirtii, halka ay gowraceen qaar ka mid ah beeraleeydii tuulada Xamur. 


Waxaad mooda Jeerta Oomani u xusul duubayso hurinta colaad lagu doonayo in looga helo shisheeyaha shillimaad, lagana leeyahay danno gaar ah iyo aarsi hore.


Beesha horjooge Deni ayaa horey ugu khasaartay heshiiskii 2006 ee shikardii macdan baarista ee Rage Resource ee laga leeyahay dalka Austaralia.



Yusuf Cali Oo ku sugan Xamur 2009.


Yusuf@journalist.com 

Wednesday, February 24, 2021

Maroodigu Takarta saran ma arkee; ka kale Takarta saran buu arkaa



Horjooge Deni iyo maamulka beeshiisu uma oggola dadka deegaanka Puntland xorriyad, bannaanbax, demqoraadiyad iyo nololba... taas beddelkeeda waxay ka shaqeeyan isku dirka, dagaallada ehelka, sicir bararka, boobka hantida dadweynaha iyo weliba qabyaalad qaawan.

Ninka sidaas ah ayaa doonaya inuu naga dhaadhaciyo Farmaajo ayaa keligii taliye xukun boob ah. Waa run oo lama inkiraayo inuusan Farmaajo qaban doorashadii lagu balllansana, balse weyddiintu waa ma lagala shaqeeyey inuu hawsha qabto?
Sow maamul qabiileedka Puntland maaha midka mar kasta hor taagna horusocodka dowladda iyo horumarinta dalka?
Sow Puntland maaha kuwii mar kasta lahaa nagalama tashan iyo socon mayso haddii aan sidaan rabno la yeellin?
Sow Puntland maaha kuwa shisheeyaha farogelinta ku haya Soomaaliya soo dhoweysanayay?.
Markuu ka xirmay dariiqi Addis Ababa iyo Amxaarkii loo tegi jiray, Imaarat iyo Kenyaati kuwa dabbada kula jiraa sow Puntland maaha?.
Jaalle Siyaad oo ka awood iyo xukun adka Farmaajo ayaa xoog ku maamuli waayay Soomaali, ma filaayo inuu Farmaajo oo Amisom ilaaliso dalka Soomaaliya xoog ku haysan karo....
Deni iyo kuwa la cayna ee caqliga Jeerta lihi waxay doonayaan inay caqliyadeena ku ciyaaran, balse waxaysan ogeyn dadku inaysan ahayn ciyaalkii Ciise Riyoole ee barxada Garoowe fadhiyay.
Puntland ayaa u baahan demqoraadiyad iyo inay ka baxdo qori isku dhiibka Ilmo Maxamuud (Cusmaan, Ciise iyo Cudur).
Dadka Puntland 21 sanno ayay hoos fadhiyaan maamul qabiileed qori isu dhiib ah, horumar la'aan, jahli iyo colaado hubka la isugu dhiibo dhexdoodda oo maalinba reer la baacsado.
Muqdisho dadkeedii ayaa xukunkeedu gacantooda ku jira, marka laga reebbo kursiga Farmaajo... xafiis walba iyo xurun kasta waxaa jooga qof u dhashay deegaanka gobolka Banaadir... Hubku wuxuu gacantooda ku jira hoggaamiyeyaasha beesha Xamar deggan, waqtiguna maaha xilligii kelitaliskii Siyaad Barre ama colkii Amxaarada ee Cabdullaahi Yusuf Axmed Yey.
Deniyow dadka Puntland u oggolow xorriyadooda intaad ka hadlin Xamar iyo meel ka fog.


Yusuf Cali Aadam

Sunday, September 13, 2020

Saturday, July 25, 2020

Bedelka Khayre ma wuxuu noqon doonna adeege cusub, mise quusiyaha damaca waalan ee Farmaajo?


Soomaalidu waxay tiraahda "labadii xaaraan ku heshiisay; xaqna kuma heshiiyaan", ugu dambeyn Xasan Cali Khayre wuxuu ku baxay fudeedkii Farmaajo lagu yiqiin. Saacado yar kadib markii xilka laga qaaday ra'iisal wasaarahii hore Xasan Cali Khayre,

Saturday, July 11, 2020

Puntland Mise Ilmo Maxamuud Laan?


Qoddob ka mid ah distuurka maamulka Puntland ayaa lahaa, awoodda oo dhan Eebbe ka sokow waxaa iska leh dadweynaha, balse waxaa muuqata in si aan waafaqsanayn shuruucda lagu heshiiyay ay hal reer oo gooni ahi ugu takrifalayaan awooddii ciidan, dhaqaale iyo maamul...iyadoo aan wax tallo ah laga gelin beelahii kale ee maamulka la dhistay.

Sunday, July 5, 2020