Sunday, August 15, 2021

Argagaxisadii isu beddeshay fallaagada


Kooxda Taalibaan oo warbaahinta iyo dalalka caalamka sida Maraykanka iyo reer galbeedku u aqoonsanayeen koox argagaxiso ayaa hadda isu beddeshay koox fallaago, iyadoo la sugaayo in lagu wareejiyo awoodda Afqaanistaan. 

Taalibaan miyaa is beddelay?.

Maya, weli dhaqankoodu waa sidii hore ama ka adag, waxay dilayaan, qarxinayaan muwaadiniinta, aqoonyahanka, waxay ka soo horjeedan in gabdhuhu dugsi dhigtaan, xorriyada hadalkuna waa dhibaysa. 

Wixii loo weeraray shalay iyagu kama tanaasulin, balse kuwii weerarka ku qaaday ayaa tanaasulay sida muuqata.

Ciidankii Afqaanistaan ee 20-sanno la tababaraayay, qalabka iyo hubka casriga ah loo dhiibay, waxay isu dhiibeen nimman duur ku jiray 20 sanno.

Maxaan ka baran karnaa haddaba Taalibaan?.
Ma mowqifka iyo mayal adayga, mise in ciidanka Soomaaliyeed dalkiisa ka difaaci karin Alshabaab haddii dhammaadka sannadkan Amisom isaga baxdo dalka?. Ma arki doonna argagaxisada Alshabaab oo loogu wacaayo jabhad fallaago, xukunkana loogu wareejin sida kooxda Taalibaan?.

Kumanaal qof dhiiggoodii waxaa laga soo qaaday wax aan jirin, qiimana lahayn. Waayo kuwii qarxiyay oo dilay ayaaba lagu abbaalmarin awooddii iyo talladii dadkay gowracayeen.

Wax kasta ka filo dunida is gedgedinta badan, nimman dadkiisa iyo dalkiisa ku tashani cadow kama adkaado.

Yusuf Cali Aadam



Monday, June 7, 2021

Gabooye/Midgaan/Boon Ma guurbaa ka maqan mise caddaalad?



Ninna ma odhan khasab ha lagu guursado wiilasha ama gabdhaha Gabooye, Boon, Jareer I.w.m. balse haddii gabadh laga soo doontay ama wiil iyo gabar is-calmaday aad khasab ku kala kaxaysid adigoo fiirin qabiilka wiilka ama gabadha sow taasi dembi maaha?, Soomaalidu intooda badan waa dad isu guursada xigaalo iyo qaraabo i.w.m. qaba'iilka aad hayb-sooca ku samayseena dabcan maaha kuwa guur idiinka tuugsan ee waxay idiin weydiisan oo keliya markii la idiin baahdo inaan dembi laga dhigin guurkooda. Sidoo kale waxay idiinka doonayaan waa inaad u oggolataan xaqqooda saamiga awoodda madama ay yihiin sida aan annigu aaminsan ahay dadka Soomaalida ugu tiro badan, iyo inaad shaqooyinkooda iyo hibooyinka Eebbe siiyay ku ixtiraamtaan.

Dalalka Galbeedka ee aan ku nool nahay shaqooyinka dadkaasi carruurtooda yaryari aqoonta u leedahay iska dhaaf waayeelkoode jaamacaddo iyo iskuulo farsamo gacmeed ayaa loo raadsada. Innaguna halkii aan ka faa'iideysan lahayn ayaan ceeb uga dhigayna, ku aflagaadaynaynaa, sharaftoodana meel uga dhacaynaa innagoo ugu wacayna magacyo dabcan qaarkood aysan raalli ka ahayn.
Yaysan dooddu idiinla eekan keliya guur, guurku khasab maaha ee waa dookh iyo ka helitaan, labadii iska hesha ha is guursadeen, oo ceeb ha ka dhigina weeye mida laga hadlaya iyo in la isku ixtiraamo shaqooyinka, lana kala faa'iideysto.
Waxaan aaminsan ahay haddii laga faa'iideysan lahaa dadka la quursanaayo inuu dalkeennu ka mid noqon lahaa dalalka adduunka ugu horumarsan dhinaca tiknoolijiyada iyo farsamada gacanta.

W/Q Yusuf Cali Aadam

Saturday, March 20, 2021

Intuu qabtay Siyaad Barre ayaa ka badan intuu bi'iyey.


Maaha wax la dafiri karo waxqabadkii maamulkii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, laga soo billaabo dhismaha dalka, qoritaanka afka soomaaliga iyo weliba inaan ahayn dal dadkiisu uusan meel kasta ku dayacnayn.
Dalku wuxuu lahaa dowlad baasaboorkeeda la aqoonsan yahay, waxbarasho illaa heer jaamacaddeed oo lacag la'aana, cusbitaalo bilaash ah, ciidan ilaaliya xuduuddaheena badda, cirka iyo dhulka oo aan ahayn mooryaan umulo dooxa. Muwaadinka Soomaaligu wuxuu ahaa mid sharaf leh, dunidana qaxooti kuma ahayn meel kasta; hooyo iyo ilmo Soomaaliyeed kuma dhibaataysneyn qurbe, baddaha dhallinyaro Soomaaliyeed iyagoo gaajo ka cararaya uguma geeriyooneyn. Sidoo kale Kenyaati damac ugama jirin badda Soomaaliya taas beddelkeeda NFD ayaa Soomaali raadinaysay inay xor ka noqoto gumaysiga Kuukuyo.

Ma lihi maamulkii Siyaad Barre wuxuu ahaa shariif ka maran ceeb ama xadgudub binu aadannimo, balse wuxuu dhaamay kun jeer horjoogeyaasha waqtigan mustaqbalka tiray boqolaalka dhallinyarada ah.... maanta Soomaalida afsoomaaliga qori iyo akhrin ogi; waa ka yar tahay tiradii soddon sanno ka hor ay joogtay. 

Waxaan aaminsan ahay haddii maanta dowladdii Soomaaliya sii jiri lahayd inaan dunida meel sare ka joogi lahayn.

Yusuf Cali

Monday, March 8, 2021

Warsangeli/Dubeys iyo Raxanweyn argagaxisada Puntland?!.


Labadan qabiil waxay ka siman yihiin in loogu xadgudbay sharaftooda, maalkooda iyo dhiiggooda deegaannada Puntland. 

Warsangeli/Dubeys waa reerka deegaanka labada albaab ee magaalada buuraha dhexdoodda ku taalla ee Boosaaso Ceelaayo iyo Laag labadaba waxaa deegaan u yihiim tolka Dubeys ee Warsangeli.

Raxanweyn intooda badan waxay magaalada Boosaaso yimaadeen kadib burburkii dalka Soomaaliya, waa xoogsato sharaf leh, dad shaqo oo aad u yaqaan sida shillinka god kasta looga soo saaro. Puntland guud ahaan gaar ahaan Boosaaso waxay kala kulmaan faquuq iyo sinji cay.

Labada reer, midna waxaa lagu bartilmaameedsan ganacsigooda iyo horumarka ay sameeyeen iyagoo deegaankoodii ka dheer, halka mida kalena u ku socdo barakicin dhulleed; iyadoo loo dig iyo dam leeyahay khayraadka dabiiciga ah iyo macdanta ka buuxdo dhulkooda.

Argagaxiso ayaa laga baadi-goobaya beeraleey, bakhaarleey iyo bagaashleey, iyadoo aan loo tegi karin kooxaha Daacish iyo Alshabaab ee saldhigyada ku leh deegaannada u dhow Qandala, Baargaal, Xaafuun, Dhuudo iyo Bender Bayla iqkb, sababtuna wax kale maaha ee kuwaasi waa Majeerteen ama Saleebaanno.

Soomaalidu waxay tiraahda "Ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa!", mar kalena waxay tiraahda "Miskiin baa Misko la fuulo leh!"

- Yusuf Cali Aadam

Ijaabo Yusuf Dhegool xaaska horjooge Siciid Deni oo la wareegtay dhulkii wasaaradda hawlaha guud ee Boosaaso



Horjooge Siciid Deni oo deegaannada Puntland looga aqoon ogyahay Jeerta Ooman ayaa ku wareejiyay xaaskiisa Ijaabo Yusuf Dhegool mulkiyada dhulkii wasaaraddii hawlaha guud ee magaalada Boosaaso, maaha markii ugu horreeysay ee qoyska Deni Jeerta ooman la wareegan hanti dadweyne.


Asbuucii hore ayay ahayd markii faraca Qardhood ee wakaaladda xooga korontada u la wareegay walaalka Ijaabo Dhegool oo lagu magcaabo Maxamed Yuusuf Dhegool.

Xigasho- www.sirqarsoon.com 

Sirqarsoon@gmail.com

Sunday, March 7, 2021

Jeerta Ooman Oo Cagta Saaray Dhabihii Afwaliinjo


 Qandaraaskii shisheeyaha 'shillinka uga cuni jiray Afwaliinjo mid la mid ah ayuu horjooge Deni Jeerta Ooman; quud ka raadiyay isagoo ka billaabay tuulada Xamur oo Boosaaso u jirta qiyaastii 40KM. Saaka hiirtii waaberi maleeshiyaad la heyb ah horjooge Deni ayaa weerar ku qaaday beeraleey aan waxba galabsan kuwaas oo laga dhigay qaar la dilo, in la xiro iyadoo hantidoodiina la burburiyay.

Afwaliinjo ayaa hore sidaan oo kale u gubay beerahii timirta ee Galgala, isagoo barakiciyay dadkii ku noola deegaankaasi. 


Jeerta Ooman ayaa xirtay kabihii Afwaliinjo ee barakicinta, burburinta iyo laynta beesha galbeedka magaalada Boosaaso. Wuxuuna ka billaabay Xamur oo ah dhul beeraad ay deegaan u ah beesha dhuunta Boosaaso deegaankeedu yahay.


Deni ayaa doonaya inuu deegaanka Xamur u burburiyo sidii Galgala, waxaana u durba billaabay inay maleeshiyaadkiisu dab qabadsiiyan beerahii timirta, sidoo kale gubaan dhirtii, halka ay gowraceen qaar ka mid ah beeraleeydii tuulada Xamur. 


Waxaad mooda Jeerta Oomani u xusul duubayso hurinta colaad lagu doonayo in looga helo shisheeyaha shillimaad, lagana leeyahay danno gaar ah iyo aarsi hore.


Beesha horjooge Deni ayaa horey ugu khasaartay heshiiskii 2006 ee shikardii macdan baarista ee Rage Resource ee laga leeyahay dalka Austaralia.



Yusuf Cali Oo ku sugan Xamur 2009.


Yusuf@journalist.com 

Wednesday, February 24, 2021

Maroodigu Takarta saran ma arkee; ka kale Takarta saran buu arkaa



Horjooge Deni iyo maamulka beeshiisu uma oggola dadka deegaanka Puntland xorriyad, bannaanbax, demqoraadiyad iyo nololba... taas beddelkeeda waxay ka shaqeeyan isku dirka, dagaallada ehelka, sicir bararka, boobka hantida dadweynaha iyo weliba qabyaalad qaawan.

Ninka sidaas ah ayaa doonaya inuu naga dhaadhaciyo Farmaajo ayaa keligii taliye xukun boob ah. Waa run oo lama inkiraayo inuusan Farmaajo qaban doorashadii lagu balllansana, balse weyddiintu waa ma lagala shaqeeyey inuu hawsha qabto?
Sow maamul qabiileedka Puntland maaha midka mar kasta hor taagna horusocodka dowladda iyo horumarinta dalka?
Sow Puntland maaha kuwii mar kasta lahaa nagalama tashan iyo socon mayso haddii aan sidaan rabno la yeellin?
Sow Puntland maaha kuwa shisheeyaha farogelinta ku haya Soomaaliya soo dhoweysanayay?.
Markuu ka xirmay dariiqi Addis Ababa iyo Amxaarkii loo tegi jiray, Imaarat iyo Kenyaati kuwa dabbada kula jiraa sow Puntland maaha?.
Jaalle Siyaad oo ka awood iyo xukun adka Farmaajo ayaa xoog ku maamuli waayay Soomaali, ma filaayo inuu Farmaajo oo Amisom ilaaliso dalka Soomaaliya xoog ku haysan karo....
Deni iyo kuwa la cayna ee caqliga Jeerta lihi waxay doonayaan inay caqliyadeena ku ciyaaran, balse waxaysan ogeyn dadku inaysan ahayn ciyaalkii Ciise Riyoole ee barxada Garoowe fadhiyay.
Puntland ayaa u baahan demqoraadiyad iyo inay ka baxdo qori isku dhiibka Ilmo Maxamuud (Cusmaan, Ciise iyo Cudur).
Dadka Puntland 21 sanno ayay hoos fadhiyaan maamul qabiileed qori isu dhiib ah, horumar la'aan, jahli iyo colaado hubka la isugu dhiibo dhexdoodda oo maalinba reer la baacsado.
Muqdisho dadkeedii ayaa xukunkeedu gacantooda ku jira, marka laga reebbo kursiga Farmaajo... xafiis walba iyo xurun kasta waxaa jooga qof u dhashay deegaanka gobolka Banaadir... Hubku wuxuu gacantooda ku jira hoggaamiyeyaasha beesha Xamar deggan, waqtiguna maaha xilligii kelitaliskii Siyaad Barre ama colkii Amxaarada ee Cabdullaahi Yusuf Axmed Yey.
Deniyow dadka Puntland u oggolow xorriyadooda intaad ka hadlin Xamar iyo meel ka fog.


Yusuf Cali Aadam