Friday, January 21, 2022

Weli Ma Ka Maqashay Warbaahinta Reer Galbeedka Xasuuq Ayaa Tigreey Ka Geystay Koonfurta Soomaaliya?



W
arbaahinta gumeystaha Ingiriisku ee BBC laanteeda Afsoomaaliga ayaa qortay in ciidamada Soomaaliya xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya; iyadoo aan ognahay in idaacadaasi iyo guud ahaan warbaahinta reer Galbeedku aysan weligeed xasuuq ugu yeerin wixii Tigreegu ka sameeyey koonfurta Soomaaliya.


Qaarba dhihi doonna ciidankii Tigreegu wuxuu Soomaaliya ku yimid dalab dowladdeed, haddii jawaabtu sidaas tahay ciidanka Soomaaliyeedna wuxuu halkaa ku tegey dalabka dowladda Itoobiya.


Waxay yiraahdeen kaniisadaha ayaa ciidanka Soomaalidu dadka ku gowracayay... Kuwii tigreeguba masaajida ayuu dadka ku gowracayay.


Haddaad tiraahdan askarta Soomaalidu gabdhahii Tigreega ayay kufsadeen, kuwii Tigreeguba gabdho Soomaaliyeed ayay kufsi iyo xadgudub ku sameeyeen ee maxaa kala fadilay xadgudubyada?. Dabcan jawaabtu wax kale maaha waa dan reer galbeed oo diin aysan ka maqnayn.


Inkastoo warkani yahay dacaayad Ingiriis iyo reer Galbeed; haddana waxaan leeyahay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya dayaacadan raqiiska ah ka gudbiya cabasho rasmi ah... waayo maaha in xorriyad la innooga dhigo ku xadgudubka iyo faafinta wararka beenta ah ee ciidankeenna sharafta mudan.


Yuusuf Cali

Saturday, January 1, 2022

Waa Maxay Afgembi?


 


Afgembi= Maalmahan ereygan ayaan maqlayna sidii madaxwaynaha jamhuuriyaddu u nasakhay  ra'iisul wasaare Rooble.. 


Farmaajo iyo Rooble haddii aan dhahno kuma ayaa ku dhaqaaqay afgembi, waxaan dhihi karnaa Rooble ayaa ku dhaqaaqay afgembiga runta ah, isagoo garab ka helaaya dalal shisheeye.


• Ciidanla Rooble waxay harreereyey madaxtooyadii qaranka.

• Rooble qabsaday warbaahintii qaranka; farriintada in la baahiyo waa muhiim markii aad afgembi samaynayso, hadaba, Roo



ble wuxuu qabsaday warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkiisa u adeegsadaan

• Rooble wuxuu la wareegay wasaaraddii gaashaandhigga, amniga qaranka, warfaafinta. 

• Rooble wuxuu dadka Soomaalida hortooda ka sheegay inuusan aqoonsanayn madaxwaynahii magacaabay... arrinta oo ka dhigan anniga madaxwayne ah wixii xilliga ka dambeeya.

• Rooble wuxuu Muqdisho soo geliyay ciidamo ku hayb ah, isagoo sheegay in amniga Muqdisho ay la wareegayaan ciidan isku dhaf u ku sheegay oo ka amarqaata midowga mooryaanta iyo isaga. 

• Rooble wuxuu ciidamo beeleed dhigay oo  xirtay waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala madaxtooyadda qaranka

• Shisheeyahii waxay soo saareen digniino; waana calaamadaha muujiya afgembiga. 


Afgembiga lagu sheegaya waa ciidanka, idaacada iyo telefeeshinka dalka oo lala wareego si afkaartaada ay u gudbiyaan, iyo madaxwaynaha oo xabsi guri la geliyo... intaasina Rooble ayaa ku dhaqaaqay.


Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho waxaan leeyahay u soo baxa bannaanka oo muujiya taageeradiinna iyo hiilka madaxwaynaha jamhuuriyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.  


Yuusuf Cali

Yusuf@yusufaliadam.com / Yusuf@journalist.com 

Sunday, October 3, 2021

Taariikhdu Ma Duugowdo



Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1975-kii waxaa abaar ba'an oo loo bixiyay abaartii Dabadheer ay ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan gobolladii Waqooyi iyo Bartamaha Soomaaliya. 


Waa loo gurmaday Waqooyi, dadkii dhibaateysnaa ayaa lala gaaray gurmad deg deg ah, Raashin, dawo iyo dhar, intaa looguma simine dhammaantoo dadkii dhibaateysnaa iyo xoolihii yaraa ee noolaa ee u haray ayaa baabuur waaweyn lagu soo daad intii ka hartay ayaa la soo daad gureeyay oo la soo raray 18-kii June 1975, waxaana la dejiyay deegaannada Koonfureed, gaar ahaan Bu'aalle, Sablaale, Kuntuwaareey, Baraawe, Cadale, Danwadaagta Dajuuma iwm. 


 Martidaasi dhibaateysnayd waa loo soo dhoweeyey si heer sare ah, waa loo mashxaradayay, dhulal baa la siiyay, webiyada hareerihiisa ayaana la dejiyay, kuwii beeraleyda ahaa beerashada ayaa la baray, beerro webiyada ku dhowna waa la siiyay, kuwii kalluumeysatada ahaana waxaa la geeyay dhanka xeebaha, kalluumeysigana waa la fahamsiiyay, waxaana la siiyay doomo iyo qalab Kalluumeysi. Abaartii Dabadheer waxaa waqooyi laga soo raray 120 kun oo qofood, waxaa ka qayb qaatay gurmadkaasi 615 gawaarida xamuulka ah, 24 diyaaradod oo dadka iyo loojistikada lagu daad gureynayay, waxaa dowladdii kacaankuna ay dhistay 16 garoommo diyaaradeed oo yaryar si ay diyaaraduhu ku degi karaan haddii xaalad deg deg ay timaaddo. Tallaabadaasi walaalaha gobollada Waqooyi lagu soo rarayay waagaa ee ay qaadday dowladdii kacaanku waxay ahayd mid aad loola yaabay oo xitaa waqtigaa ku adkeyd dowladaha horumaray qaarkood, waayo arrintaa waxay u baahnayd kharash, qorshe, dhaqaale iyo awood. 


46 sano kaddib waa nasiib darro aad u weyn in walaalaha Waqooyi ay si naxariis darro ah gawaari xamuul ugu soo guraan dad Soomaaliyeed oo ku nool deegaannadooda, kuna tilmaamaan ajaanib ka timid Soomaaliya, dadkan lagu xad gudbay ayaa anacsi iyo xoolo kulahaa deegaannada laga soo musaafiriyay, gaar ahaan Laas Caanood. Dadkan la soo raafay waxaa ku jiray, dumar iyo carruur, iyagoo aan loo digin, lagu wargelin inay guuraan, hantidoodana ay la baxaan ayaa si xoog ah loo maquuniyay dukaammadoodii, hantidoodii iyo wixii ay lahaayeenna waa laga soo reebtay, taasoo ah dambi taariikhda ku qormaya. Dhammaan culumada Soomaaliyeed iyo dadka waxgaradka ah ee ku nool Somaliland waa inaysan arrintaan ka aamusin oo ay ka hadlaan, haddii kale waa qorshe la isla ogyahay oo lagu wada faraxsan yahay.


Yusuf Cali

Sunday, August 15, 2021

Argagaxisadii isu beddeshay fallaagada


Kooxda Taalibaan oo warbaahinta iyo dalalka caalamka sida Maraykanka iyo reer galbeedku u aqoonsanayeen koox argagaxiso ayaa hadda isu beddeshay koox fallaago, iyadoo la sugaayo in lagu wareejiyo awoodda Afqaanistaan. 

Taalibaan miyaa is beddelay?.

Maya, weli dhaqankoodu waa sidii hore ama ka adag, waxay dilayaan, qarxinayaan muwaadiniinta, aqoonyahanka, waxay ka soo horjeedan in gabdhuhu dugsi dhigtaan, xorriyada hadalkuna waa dhibaysa. 

Wixii loo weeraray shalay iyagu kama tanaasulin, balse kuwii weerarka ku qaaday ayaa tanaasulay sida muuqata.

Ciidankii Afqaanistaan ee 20-sanno la tababaraayay, qalabka iyo hubka casriga ah loo dhiibay, waxay isu dhiibeen nimman duur ku jiray 20 sanno.

Maxaan ka baran karnaa haddaba Taalibaan?.
Ma mowqifka iyo mayal adayga, mise in ciidanka Soomaaliyeed dalkiisa ka difaaci karin Alshabaab haddii dhammaadka sannadkan Amisom isaga baxdo dalka?. Ma arki doonna argagaxisada Alshabaab oo loogu wacaayo jabhad fallaago, xukunkana loogu wareejin sida kooxda Taalibaan?.

Kumanaal qof dhiiggoodii waxaa laga soo qaaday wax aan jirin, qiimana lahayn. Waayo kuwii qarxiyay oo dilay ayaaba lagu abbaalmarin awooddii iyo talladii dadkay gowracayeen.

Wax kasta ka filo dunida is gedgedinta badan, nimman dadkiisa iyo dalkiisa ku tashani cadow kama adkaado.

Yusuf Cali Aadam



Monday, June 7, 2021

Gabooye/Midgaan/Boon Ma guurbaa ka maqan mise caddaalad?



Ninna ma odhan khasab ha lagu guursado wiilasha ama gabdhaha Gabooye, Boon, Jareer I.w.m. balse haddii gabadh laga soo doontay ama wiil iyo gabar is-calmaday aad khasab ku kala kaxaysid adigoo fiirin qabiilka wiilka ama gabadha sow taasi dembi maaha?, Soomaalidu intooda badan waa dad isu guursada xigaalo iyo qaraabo i.w.m. qaba'iilka aad hayb-sooca ku samayseena dabcan maaha kuwa guur idiinka tuugsan ee waxay idiin weydiisan oo keliya markii la idiin baahdo inaan dembi laga dhigin guurkooda. Sidoo kale waxay idiinka doonayaan waa inaad u oggolataan xaqqooda saamiga awoodda madama ay yihiin sida aan annigu aaminsan ahay dadka Soomaalida ugu tiro badan, iyo inaad shaqooyinkooda iyo hibooyinka Eebbe siiyay ku ixtiraamtaan.

Dalalka Galbeedka ee aan ku nool nahay shaqooyinka dadkaasi carruurtooda yaryari aqoonta u leedahay iska dhaaf waayeelkoode jaamacaddo iyo iskuulo farsamo gacmeed ayaa loo raadsada. Innaguna halkii aan ka faa'iideysan lahayn ayaan ceeb uga dhigayna, ku aflagaadaynaynaa, sharaftoodana meel uga dhacaynaa innagoo ugu wacayna magacyo dabcan qaarkood aysan raalli ka ahayn.
Yaysan dooddu idiinla eekan keliya guur, guurku khasab maaha ee waa dookh iyo ka helitaan, labadii iska hesha ha is guursadeen, oo ceeb ha ka dhigina weeye mida laga hadlaya iyo in la isku ixtiraamo shaqooyinka, lana kala faa'iideysto.
Waxaan aaminsan ahay haddii laga faa'iideysan lahaa dadka la quursanaayo inuu dalkeennu ka mid noqon lahaa dalalka adduunka ugu horumarsan dhinaca tiknoolijiyada iyo farsamada gacanta.

W/Q Yusuf Cali Aadam

Saturday, March 20, 2021

Intuu qabtay Siyaad Barre ayaa ka badan intuu bi'iyey.


Maaha wax la dafiri karo waxqabadkii maamulkii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, laga soo billaabo dhismaha dalka, qoritaanka afka soomaaliga iyo weliba inaan ahayn dal dadkiisu uusan meel kasta ku dayacnayn.
Dalku wuxuu lahaa dowlad baasaboorkeeda la aqoonsan yahay, waxbarasho illaa heer jaamacaddeed oo lacag la'aana, cusbitaalo bilaash ah, ciidan ilaaliya xuduuddaheena badda, cirka iyo dhulka oo aan ahayn mooryaan umulo dooxa. Muwaadinka Soomaaligu wuxuu ahaa mid sharaf leh, dunidana qaxooti kuma ahayn meel kasta; hooyo iyo ilmo Soomaaliyeed kuma dhibaataysneyn qurbe, baddaha dhallinyaro Soomaaliyeed iyagoo gaajo ka cararaya uguma geeriyooneyn. Sidoo kale Kenyaati damac ugama jirin badda Soomaaliya taas beddelkeeda NFD ayaa Soomaali raadinaysay inay xor ka noqoto gumaysiga Kuukuyo.

Ma lihi maamulkii Siyaad Barre wuxuu ahaa shariif ka maran ceeb ama xadgudub binu aadannimo, balse wuxuu dhaamay kun jeer horjoogeyaasha waqtigan mustaqbalka tiray boqolaalka dhallinyarada ah.... maanta Soomaalida afsoomaaliga qori iyo akhrin ogi; waa ka yar tahay tiradii soddon sanno ka hor ay joogtay. 

Waxaan aaminsan ahay haddii maanta dowladdii Soomaaliya sii jiri lahayd inaan dunida meel sare ka joogi lahayn.

Yusuf Cali

Monday, March 8, 2021

Warsangeli/Dubeys iyo Raxanweyn argagaxisada Puntland?!.


Labadan qabiil waxay ka siman yihiin in loogu xadgudbay sharaftooda, maalkooda iyo dhiiggooda deegaannada Puntland. 

Warsangeli/Dubeys waa reerka deegaanka labada albaab ee magaalada buuraha dhexdoodda ku taalla ee Boosaaso Ceelaayo iyo Laag labadaba waxaa deegaan u yihiim tolka Dubeys ee Warsangeli.

Raxanweyn intooda badan waxay magaalada Boosaaso yimaadeen kadib burburkii dalka Soomaaliya, waa xoogsato sharaf leh, dad shaqo oo aad u yaqaan sida shillinka god kasta looga soo saaro. Puntland guud ahaan gaar ahaan Boosaaso waxay kala kulmaan faquuq iyo sinji cay.

Labada reer, midna waxaa lagu bartilmaameedsan ganacsigooda iyo horumarka ay sameeyeen iyagoo deegaankoodii ka dheer, halka mida kalena u ku socdo barakicin dhulleed; iyadoo loo dig iyo dam leeyahay khayraadka dabiiciga ah iyo macdanta ka buuxdo dhulkooda.

Argagaxiso ayaa laga baadi-goobaya beeraleey, bakhaarleey iyo bagaashleey, iyadoo aan loo tegi karin kooxaha Daacish iyo Alshabaab ee saldhigyada ku leh deegaannada u dhow Qandala, Baargaal, Xaafuun, Dhuudo iyo Bender Bayla iqkb, sababtuna wax kale maaha ee kuwaasi waa Majeerteen ama Saleebaanno.

Soomaalidu waxay tiraahda "Ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa!", mar kalena waxay tiraahda "Miskiin baa Misko la fuulo leh!"

- Yusuf Cali Aadam