(Daawo Sawiro) Mu’asasada Iftin oo Wada Ololaha Ladagaalanka Aqris iyo Qoris La’aanta

Friday, July 11, 2014

(Daawo Sawiro) Mu’asasada Iftin oo Wada Ololaha Ladagaalanka Aqris iyo Qoris La’aanta


Mu’aasasada waxbarashada Iftiin ayaa deegaano dhowra oo hoos yimaada maamulka Ximan iyo Xeeb waxa ay ka wadaa ololaha ladagaalanka aqris iyo qoris la’aa
nta

Deegaanada ay Iftiin kasoo fulisay waxaa ka mida deegaanada Iidoole Docoley iyo Kacandho waxayna sheegeen masuuliyiinta mu’aasasada inay sii wadi doonaan ololaha

Gudoomiyaha Iftin Cisman Macalin Xasan Geele ayaa sheegay in ula jeedka ololaha uu yahay sidii dadka reer guuraaga loo bari lahaa aqriska afka Soomaaliga iyo Xisaabta. Cismaan Macalin Xasan ayaa sheegay in sanadkasta ay mar qabtaan ololahan ayna ka faa’iideysaan dad badan oo reer guuraa ah kuwaasi deegaanadadooda loogu geeyo ololaha waxbarashada 

Iftiin ayaa ololaha la dagaalanka aqris iyo qoris la’aanta fulisa sanadkasta gaar ahaan biliha fasaxa iskuulada waxaana barnaamijkan hirgeliyay ardayda iyo macalimiinta Iftiin 












 -ceelhuur.com

0 Fikirkaaga :

Kaydka Yusuf Cali