February 2026

Monday, February 23, 2026

Iiraan Maaha Venezuela: Fikrada Khaldan ee Trump.


Dhawaanahan, waxaa soo baxayay hadallo ka soo yeerayay dhanka madaxweyne Donald Trump iyo qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa oo ku aaddan in hoggaanka sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei oo 86 sanno jir ah, laga takhaluso si nidaamka dalkaas loo beddelo. Waxay u muuqataa in maamulka Trump uu rabo inuu Iiraan u isticmaalo "Habkii Venezuela" ee xabsiga loogu taxaabay Nicolas Maduro.

Balse, waxaa jirta su’aal weyn oo u baahan jawaab maangal ah: Ma isku mid baa Iiraan iyo Venezuela?

​1. Waa in la fahmaa caqiidada ay aamminsan yihiin Muslimiinta Shiicada ah. Sida uu qabo falsafadda Shiicada, geeridu ma aha dhammaad ama baaba’ jidheed. Waxay u arkaan geerida mu’minka inay tahay sidii isagoo iska bixiyey dhar wasakh ah (adduunka dhibka badan) oo xirtay dhar aad u qurux badan (nolosha aakhiro iyo naxariista Eebbe).

​Falsafaddan "Shahaadada" waxay salka ku haysaa dhacdadadii Karbala iyo dhiigga Imaam Xuseen. Shiicadu waxay sannad kasta xusaan dhiiggaas daatay, iyagoo u arka in qofka u dhinta jidka xaqa ah uu yahay kan guulaystay. Haddaba, sidee baad ku cabsiin kartaa qof u hamuun qaba waxa aad adigu ugu hanjabayso?

​2. Isbarbardhigga Khamenei iyo Maduro; ​Trump wuxuu moodaa in nidaamka Iiraan uu ku dhisan yahay shakhsi kaliya ama dhaqaale sida kan Venezuela.

​Venezuela: Maduro wuxuu ku tiirsan yahay ciidan iyo dad dantu isku keentay. Markii caddaadisku batay, nidaamku wuxuu qarka u fuulay burbur.

​Iiraan: Cali Khamenei looma arko madaxweyne siyaasadeed oo kaliya; waa "Wali al-Faqih" (Hoggaamiye Ruuxi ah). Dilka hoggaamiye diimeed oo heerkaas gaarsiisan looma arko guuldarro siyaasadeed, balse waxaa loo arkaa "Shahaado" dhalinaysa kacdoon diimeed oo caalami ah.

​3. Haddii Trump uu dilo Khamenei, ma dhici doonto in nidaamku dumo. Iiraan waxay leedahay goleyaal dastuuri ah (Guddiga Khubarada) oo isla saacado gudahood magacaabaya hoggaamiye cusub. Sidoo kale taageerayaasha Iiraan ee gobolka waxay u arki doonaan dilkaas "Xaq-u-dirir" u baahan aargoosi degdeg ah.

Xataa kuwa mucaaradka ku ah gudaha Iiraan waxay u midoobi doonaan difaaca qarannimadooda marka ay arkaan in hoggaamiyahoodii dibedda laga soo weeraray. Waana u dhaqan arrinkaasi Iiraaniyiinta.
​Oday Trump iyo kooxdiisu waxaysan xisaabta ku darsan in "Dhiigga" uu yahay matoorka dhaqaajiya caqiidada Shiicada. In la dilo hoggaamiye 86 jir ah oo shalayba is-macsalaameeyay ma aha guul istaraatiijiyadeed, balse waa khamaar horseedi kara khasaaro dagaal oo aan wax isbeddel ah ku keenin nidaamka Iiraan.
 
Siyaasadda caqliga ku dhisan waxay u baahan tahay inaad fahamto waxa uu qofka ka soo horjeeda rumeysan yahay intaadan duullaan qaadin.

Yusuf Ali Adan 

Sunday, February 22, 2026

Saameynta ka dhalan karta "Madax-goynta" Hoggaanka Iiraan


Waxaa dunida dacalladeeda hadal-hayn weyn ka dhex dhaliyay wararka sheegaya in Donald Trump uu qorshaynayo "Madax-goyn" ka dhan ah hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Aayatullaah Khamenei. 

George Galloway, oo ah aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha bariga dhexe, dhowr jeerna soo noqday xildhibaan baarlamaanka Ingiriiska ayaa soo saaray digniin culus oo uu ku tilmaamay qorshahaas mid horseedi kara masiibo caalami ah.

Galloway wuxuu su’aal geliyaa aqoonta Trump u leeyahay dhuuxa iyo dhaqanka dadka Iiraaniyiinta ah. Halka reer Galbeedku ay aaminsan yihiin in khaarajinta hoggaamiyuhu ay horseeddo burbur, Iiraan waxay ku dhisantahay "Falsafadda Shahiidnimada". Sida uu Galloway leeyahay, Shiicadu waxay dhimashada u arkaan sharaf, dilka Khamenei-na maaha mid cabsi gelinaya 90 milyan oo Iiraaniyiin ah, balse waa "shidaal lagu shubay dab horey u gubanayay".

Iiraan: Maaha Kaliya Dawlad, waa Ilbaxnimo
​Waa inaan la illaawin in Iiraan ay tahay mid ka mid ah ilbaxnimooyinka ugu faca weyn dunida. Galloway wuxuu carrabka ku dhuftay:
​Wadaninimada: Dadka Iiraaniyiintu marnaba ma aqbalayaan "nin shisheeye ah" oo dalkooda amraya.

​Kala-qaybsanaanta Reer Galbeedka: In loo haysto in kooxaha xorriyad-doonka ah ama kuwa "Woke-ka" ah ay talada la wareegayaan waa riyo maalmeed; waxaa dalka dhexdiisa ku dhiman doona kumanaan, waxaana gacan sarreyn doona inta hubka iyo xamaasadda leh.
Gariirka Dhaqaalaha iyo Amniga Caalamka
​Haddii Iiraan la taabto, saameyntu kuma ekaan doonto xuduudaheeda:
​Saliidda: Foostada saliidda oo gaarta $250 waxay la macno tahay in Yurub ay geli doonto mugdi iyo qabow daran.

Khaliijka: Magaalooyinka horumarka leh sida Dubay waxay waayi doonaan "nabaddii iyo xasilloonidii" ay ku faanayeen.

Qaxootiga: Hirar qaxooti ah oo aan la xakameyn karin ayaa ku fatahi doona Turkiga iyo Yurub, taas oo dhalin karta kacdoonno hor leh.

​Galloway wuxuu rumaysan yahay in Trump uu iska indha-tirayo fursadaha nabadda. In kasta oo Iiraan ay dhowr jeer sheegtay inaysan rabin nukliyeer, Trump wuxuu dooranayaa jidka ugu khatarta badan.

​"Haddii falkaas uu dhaco, waxaa la furi doonaa Albaabbada Naarta, ololkaasna iftiinkiisa waxaa laga arki doonaa ilaa Tel Aviv."

​Maxay kula tahay? Ma u malaynaysaa in dunidu diyaar u tahay dhibaatada ka dhalan karta iska-hor-imaad toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Iiraan? 


Yusuf@yusufali.site 

Tuesday, February 17, 2026

Wariyaha Mihnadda leh iyo Wariyaha Is-tuska ah.


Wariyuhu marka uu qof waraysi ka qaado, hadafkiisu waa inuu baahiyo si dadweynuhu wax u ogaadaan. Haddii wariyuhu uu isagu is hortaago baahinta waraysigaas isagoo u sababaynaya "lebiska qofka" ama "muuqaalkiisa," taasi waxay ka baxsan tahay mihnadda saxaafadda. 
Waqti lumis: Qofka aad waraysiga ka qaaday ayaad waqti ka dhumisay.
​Faafreeb (Censorship): Waxaad noqonaysaa qof adigu xannibaya xogta halkii aad faafin lahayd.

Aragtida Sharciga iyo Anshaxa (Ethics)
​Saxaafadda caalamiga ah, haddii qofka la waraysanayo uusan jebin xeerarka anshaxa ama uusan ku baaqin rabshad, wariyuhu xaq uma laha inuu ka saaro "muuqaalkiisa" darteed haddii uu markii horeba oggolaaday.

​Haddii aad leedahay "Waraysi aan qaaday ayaan diiday inaan baahiyo," taasi maahan guul wariyenimo, balse waa fashil ku yimid ujeedkii waraysiga laga lahaa. Waxay u muuqataa qof raba inuu dadka u sheego: "Anigu waxaan ahay qof saafi ah oo aan baahinin wax lebiskaas leh," taasna waa is-tusnimo ee maaha saxaafad.

Haddaba aan is weydiine waa maxay farqiga u dhaxeeyaha Wariyaha Mihnadda leh (Professional) iyo Wariyaha Is-tuska ah (Attention-seeker):

​- Wariyaha Mihnadda leh: Hadafkiisu waa baahinta xogta iyo inuu dadka gaarsiiyo waxa uu qofka la waraysanayo sheegayo. Wuxuu ixtiraamaa ra'yiga iyo aqoonta qofka uu hor fadhiyo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Hadafkiisu waa inuu isagu muuqdo. Wuxuu rabaa in dadku isaga ka hadlaan (Personal branding) halkii ay ka hadli lahaayeen nuxurka warka. Wuxuu adeegsadaa qofka uu waraysanayo si uu asagu ammaan uga helo qayb ka mid ah bulshada.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu fiiriyaa xeerarka anshaxa saxaafadda (Ma run baa? Ma lagama maarmaan baa? Ma loo baahan yahay?). Haddii uu qof aqoonyahan ah waraysanayo, ma dhibayso lebiskiisu ilaa uu yahay mid meel-ka-dhac ku ah qiyamka guud, laakiin kama dhigo cudurdaar uu waraysiga ku gubo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu xoogga saaraa shakliga iyo muuqaalka kore. Wuxuu iska dhigaa "Ilaaliyaha anshaxa" isagoo isticmaalaya "Double Standards" (Laba-wejiileyn). Tusaale: Wuxuu ogolaan karaa nin aan hufnayn, laakiin wuxuu diidayaa gabadh timuhu u muuqdaan si uu "Ducaysane" uga helo culimada ama dadka mayalka adag.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Haddii uu dhibsanayo lebiska ama muuqaalka qofka, wuxuu u sheegaa inta aan la duubin ka hor. Wuxuu yiraahdaa: "Fadlan, maadaama aan nahay TV hebel, waxaan rabnaa in lebisku sidan ahaado." Waa xirfad iyo hufnaan.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuu iska duubaa isagoo og, ka dibna markii la dhammeeyo ayuu yiraahdaa "Ma baahinayo." Tani waa khiyaano mihnadeed iyo waqti lumis uu ku sameeyay qofka martida ah.

- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu ka hadlaa dhibka taagan iyo xalka.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu Facebook soo dhigaa: "Waan diiday inaan baahiyo waraysigii heblaayo," isagoo raba in loo sacab tumo. Wuxuu ka ganacsadaa "Moral Superiority" (Inuu dadka kale iska sarreysiiyo xagga akhlaaqda).

Ugu dambayantii wariyaha runta ahi waa buundo xogta gudbisa, laakiin kan is-tuska ahi waa derbi xogta xanniba si uu isagu "sawir qurxoon" u yeesho.



Yusuf Ali Adan
Yusuf@yusufali.site 

Gorgortanka masiirka Soomaaliya


Geeska Afrika maanta ma aha meel looga sheekeeyo daris-wanaag, balse waa fagaare ay ku loolamayaan quwado caalami ah iyo kuwo gobol, halkaas oo Soomaaliya ay u muuqato miiska raashinka lagu dhex cunayo halkii ay ka ahaan lahayd dowladda miiska fadhida.


 Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee Itoobiya, xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waa farriin dublamaasiyadeed oo culus. In kasta oo Turkigu yahay saaxiibka ugu dhow ee dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, haddana waa dal raadinaya danahiisa dhaqaale iyo kuwa istiraatiijiyadeed.

  • Turkigu wuxuu heshiis sedbursi ah la saxiixday dowladda Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo u shidaal uga baadhayo badda Soomaaliya. Si uu hawlgalkaas si nabad ah u fuliyo, wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha Itoobiya.

  • Erdogan wuxuu doonayaa inuu Itoobiya ku qanciyo in badda Soomaaliya lagu gaadhi karo nidaam dowladeed, isaga oo dhanka kalena ilaalinaya saaxiibtinimada Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya aysan sii ahaan karin dal xidhan. Hadalkiisa ku aaddan in 135 milyan oo Itoobiyaan ahi ay bad u baahan yihiin waa "dhawaaq dagaal" oo lala beegsaday madaxbannaanida Soomaaliya. Itoobiya waxay doonaysaa inay xoog ama xeelad ku hesho marin badeed, iyadoo isticmaalaysa daciifnimada dadka iyo dowladda  Soomaaliya.


Garabka Koowaad (Damaca iyo Is-ballaarinta)

Garabka Labaad (Is-difaaca iyo Dheelitirka)

Itoobiya, Imaaraadka, Israa'iil

Turkiga, Masar, Sacuudiga

Waxay ka shaqaynayaan inay Itoobiya hesho marin badeed si loo wiiqo awoodda dalalka Carabta ee badda cas iyo in la abuuro khariidad cusub oo ganacsi.

Waxay rabaan in la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya si loo ilaaliyo amniga Badda Cas (Suez Canal) iyo in laga hortago saamaynta Imaaraadka.

Halka dalalkii adduunku ay ka doodayaan xuduudaha badda Soomaaliya iyo kheyraadka hoos yaalla, madaxda Soomaalidu waxay ku jiraan dagaal "fataal" ah.

  • Dadka Soomaaliyeed waxay ku mashquulsan yihiin xurguf qabiil, iyagoo kala taageeraya nidaamyo goboleed oo shisheeyuhu dabada ka riixayo.

  • Halka Abiy Ahmed uu ka hadlayo masiirka 135 milyan oo qof, madaxda Soomaalidu waxay isku haystaan muddo kororsi, saami-qeybsi beeleed, iyo dano shakhsi ah oo aan ka weynayn "mis-qaala darati".


Waa wax laga naxo in xilligii dalka la badbaadin lahaa, ay Siyaasiyiintii Soomaalidu ku mashquulsan yihiin "Anniga Kursiga leh?" iyo "Annaga deegaan hebel leh?". Haddii aan laga kicin hurdada qabyaaladda iyo danaha gaarka ah, waxaa dhici doonta in jiilka soo socda ay marti ku noqdaan dalkooda, iyadoo calanka Turkiga, Itoobiya, iyo Imaaraadku uu ka dul ruxmayo khayraadkii ay lahaayeen.



Yusuf Ali Adan

Yusuf@yusufali.site 

Billowga Saaxiibtinimada madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Deni Yaxaas.


Waxa jiri jiray Danyeer deggen geed tufaax oo ku yaalla qarka wabiga Shabeelle. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa geedka hoostiisa yimid Yaxaas aad u gaajaysan oo Puntland ka soo hayaamay. 

Danyeerkii oo naxariis leh ayaa dhowr xabbo oo tufaax ah u tuuray Yaxaaskii.

​Yaxaaskii aad buu ugu farxay dhadhanka tufaaxa, wuxuuna bilaabay inuu maalin kasta u yimaado Danyeerka si ay u sheekaystaan, tufaaxna u siiyo, waxayna noqdeen saaxiibo dhow.
Maalin ayaa ​Yaxaaskii, tufaax u geeyay xaaskiisii oo tuulo Garoowe joogta. Markii ay dhadhamisay, ayay tiri: ​"Haddii uu tufaaxan sidan u macaan yahay, qofka maalin kasta cuna wadnihiisu sow kama macaan badna?. Waxaan rabaa inaad ii keento wadnaha saaxiibkaa Danyeerka.

​Yaxaaskii markii hore waa diiday, laakiin xaaskii ayaa ku adkaysatay ilaa uu ugu dambayn oggolaaday inuu saaxiibkiis khiyaameeyo.

​Yaxaaskii ayaa u yimid Danyeerkii wuxuuna ku yiri: "Saaxiib, xaaskayga ayaa kugu martiqaadday casho caawa si ay kaaga mahadceliso tufaaxa." 

Danyeerkii wuu oggolaaday, wuxuuna ku booday dhabarka Yaxaaska si uu wabiga uga gudbiyo oo tuulo Garoowe loo geeyo.

​Markii ay dhexda marayeen, Yaxaaskii ayaa dareen damqasho leh dareemay oo runta u sheegay Danyeerkii: "Saaxiib, xaaskayga ayaa rabta inay wadnahaaga cunto."

​Danyeerkii oo aad u argagaxay laakiin aad u caqli badnaa ayaa ku yiri Yaxaaskii: ​"Saaxiib, mar hore iigu sheegi wayday? Annaga danyeerada ah wadnahayaga kuma sidano feeraha, ee waxaan kaga tagnaa geedka tufaaxa dushiisa markaan meel aad u fog aadayno. Na celi si aan u soo soo qaadne dumaashi!".
​Yaxaaskii doqonka ahaa ayaa rumeeystay warkii danyeerka, dib ayuuna u celiyay. Markii ay berriga ku dhawaadeen, Danyeerkii ayaa si degdeg ah ugu booday geedkii tufaaxa dushiisa.

​Markii uu ammaan helay, ayuu yiri: "Nacas yahayow, ma jiraa qof wadnihiisa geed kaga taga?. Maanta wixii ka dambeeya saaxiibtinimadeenii way dhammaatay!.

Yusuf Cali 
Yusufcadam@gmail.com