Monday, February 23, 2026

Iiraan Maaha Venezuela: Fikrada Khaldan ee Trump.


Dhawaanahan, waxaa soo baxayay hadallo ka soo yeerayay dhanka madaxweyne Donald Trump iyo qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa oo ku aaddan in hoggaanka sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei oo 86 sanno jir ah, laga takhaluso si nidaamka dalkaas loo beddelo. Waxay u muuqataa in maamulka Trump uu rabo inuu Iiraan u isticmaalo "Habkii Venezuela" ee xabsiga loogu taxaabay Nicolas Maduro.

Balse, waxaa jirta su’aal weyn oo u baahan jawaab maangal ah: Ma isku mid baa Iiraan iyo Venezuela?

​1. Waa in la fahmaa caqiidada ay aamminsan yihiin Muslimiinta Shiicada ah. Sida uu qabo falsafadda Shiicada, geeridu ma aha dhammaad ama baaba’ jidheed. Waxay u arkaan geerida mu’minka inay tahay sidii isagoo iska bixiyey dhar wasakh ah (adduunka dhibka badan) oo xirtay dhar aad u qurux badan (nolosha aakhiro iyo naxariista Eebbe).

​Falsafaddan "Shahaadada" waxay salka ku haysaa dhacdadadii Karbala iyo dhiigga Imaam Xuseen. Shiicadu waxay sannad kasta xusaan dhiiggaas daatay, iyagoo u arka in qofka u dhinta jidka xaqa ah uu yahay kan guulaystay. Haddaba, sidee baad ku cabsiin kartaa qof u hamuun qaba waxa aad adigu ugu hanjabayso?

​2. Isbarbardhigga Khamenei iyo Maduro; ​Trump wuxuu moodaa in nidaamka Iiraan uu ku dhisan yahay shakhsi kaliya ama dhaqaale sida kan Venezuela.

​Venezuela: Maduro wuxuu ku tiirsan yahay ciidan iyo dad dantu isku keentay. Markii caddaadisku batay, nidaamku wuxuu qarka u fuulay burbur.

​Iiraan: Cali Khamenei looma arko madaxweyne siyaasadeed oo kaliya; waa "Wali al-Faqih" (Hoggaamiye Ruuxi ah). Dilka hoggaamiye diimeed oo heerkaas gaarsiisan looma arko guuldarro siyaasadeed, balse waxaa loo arkaa "Shahaado" dhalinaysa kacdoon diimeed oo caalami ah.

​3. Haddii Trump uu dilo Khamenei, ma dhici doonto in nidaamku dumo. Iiraan waxay leedahay goleyaal dastuuri ah (Guddiga Khubarada) oo isla saacado gudahood magacaabaya hoggaamiye cusub. Sidoo kale taageerayaasha Iiraan ee gobolka waxay u arki doonaan dilkaas "Xaq-u-dirir" u baahan aargoosi degdeg ah.

Xataa kuwa mucaaradka ku ah gudaha Iiraan waxay u midoobi doonaan difaaca qarannimadooda marka ay arkaan in hoggaamiyahoodii dibedda laga soo weeraray. Waana u dhaqan arrinkaasi Iiraaniyiinta.
​Oday Trump iyo kooxdiisu waxaysan xisaabta ku darsan in "Dhiigga" uu yahay matoorka dhaqaajiya caqiidada Shiicada. In la dilo hoggaamiye 86 jir ah oo shalayba is-macsalaameeyay ma aha guul istaraatiijiyadeed, balse waa khamaar horseedi kara khasaaro dagaal oo aan wax isbeddel ah ku keenin nidaamka Iiraan.
 
Siyaasadda caqliga ku dhisan waxay u baahan tahay inaad fahamto waxa uu qofka ka soo horjeeda rumeysan yahay intaadan duullaan qaadin.

Yusuf Ali Adan 

Sunday, February 22, 2026

Saameynta ka dhalan karta "Madax-goynta" Hoggaanka Iiraan


Waxaa dunida dacalladeeda hadal-hayn weyn ka dhex dhaliyay wararka sheegaya in Donald Trump uu qorshaynayo "Madax-goyn" ka dhan ah hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Aayatullaah Khamenei. 

George Galloway, oo ah aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha bariga dhexe, dhowr jeerna soo noqday xildhibaan baarlamaanka Ingiriiska ayaa soo saaray digniin culus oo uu ku tilmaamay qorshahaas mid horseedi kara masiibo caalami ah.

Galloway wuxuu su’aal geliyaa aqoonta Trump u leeyahay dhuuxa iyo dhaqanka dadka Iiraaniyiinta ah. Halka reer Galbeedku ay aaminsan yihiin in khaarajinta hoggaamiyuhu ay horseeddo burbur, Iiraan waxay ku dhisantahay "Falsafadda Shahiidnimada". Sida uu Galloway leeyahay, Shiicadu waxay dhimashada u arkaan sharaf, dilka Khamenei-na maaha mid cabsi gelinaya 90 milyan oo Iiraaniyiin ah, balse waa "shidaal lagu shubay dab horey u gubanayay".

Iiraan: Maaha Kaliya Dawlad, waa Ilbaxnimo
​Waa inaan la illaawin in Iiraan ay tahay mid ka mid ah ilbaxnimooyinka ugu faca weyn dunida. Galloway wuxuu carrabka ku dhuftay:
​Wadaninimada: Dadka Iiraaniyiintu marnaba ma aqbalayaan "nin shisheeye ah" oo dalkooda amraya.

​Kala-qaybsanaanta Reer Galbeedka: In loo haysto in kooxaha xorriyad-doonka ah ama kuwa "Woke-ka" ah ay talada la wareegayaan waa riyo maalmeed; waxaa dalka dhexdiisa ku dhiman doona kumanaan, waxaana gacan sarreyn doona inta hubka iyo xamaasadda leh.
Gariirka Dhaqaalaha iyo Amniga Caalamka
​Haddii Iiraan la taabto, saameyntu kuma ekaan doonto xuduudaheeda:
​Saliidda: Foostada saliidda oo gaarta $250 waxay la macno tahay in Yurub ay geli doonto mugdi iyo qabow daran.

Khaliijka: Magaalooyinka horumarka leh sida Dubay waxay waayi doonaan "nabaddii iyo xasilloonidii" ay ku faanayeen.

Qaxootiga: Hirar qaxooti ah oo aan la xakameyn karin ayaa ku fatahi doona Turkiga iyo Yurub, taas oo dhalin karta kacdoonno hor leh.

​Galloway wuxuu rumaysan yahay in Trump uu iska indha-tirayo fursadaha nabadda. In kasta oo Iiraan ay dhowr jeer sheegtay inaysan rabin nukliyeer, Trump wuxuu dooranayaa jidka ugu khatarta badan.

​"Haddii falkaas uu dhaco, waxaa la furi doonaa Albaabbada Naarta, ololkaasna iftiinkiisa waxaa laga arki doonaa ilaa Tel Aviv."

​Maxay kula tahay? Ma u malaynaysaa in dunidu diyaar u tahay dhibaatada ka dhalan karta iska-hor-imaad toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Iiraan? 


Yusuf@yusufali.site 

Tuesday, February 17, 2026

Wariyaha Mihnadda leh iyo Wariyaha Is-tuska ah.


Wariyuhu marka uu qof waraysi ka qaado, hadafkiisu waa inuu baahiyo si dadweynuhu wax u ogaadaan. Haddii wariyuhu uu isagu is hortaago baahinta waraysigaas isagoo u sababaynaya "lebiska qofka" ama "muuqaalkiisa," taasi waxay ka baxsan tahay mihnadda saxaafadda. 
Waqti lumis: Qofka aad waraysiga ka qaaday ayaad waqti ka dhumisay.
​Faafreeb (Censorship): Waxaad noqonaysaa qof adigu xannibaya xogta halkii aad faafin lahayd.

Aragtida Sharciga iyo Anshaxa (Ethics)
​Saxaafadda caalamiga ah, haddii qofka la waraysanayo uusan jebin xeerarka anshaxa ama uusan ku baaqin rabshad, wariyuhu xaq uma laha inuu ka saaro "muuqaalkiisa" darteed haddii uu markii horeba oggolaaday.

​Haddii aad leedahay "Waraysi aan qaaday ayaan diiday inaan baahiyo," taasi maahan guul wariyenimo, balse waa fashil ku yimid ujeedkii waraysiga laga lahaa. Waxay u muuqataa qof raba inuu dadka u sheego: "Anigu waxaan ahay qof saafi ah oo aan baahinin wax lebiskaas leh," taasna waa is-tusnimo ee maaha saxaafad.

Haddaba aan is weydiine waa maxay farqiga u dhaxeeyaha Wariyaha Mihnadda leh (Professional) iyo Wariyaha Is-tuska ah (Attention-seeker):

​- Wariyaha Mihnadda leh: Hadafkiisu waa baahinta xogta iyo inuu dadka gaarsiiyo waxa uu qofka la waraysanayo sheegayo. Wuxuu ixtiraamaa ra'yiga iyo aqoonta qofka uu hor fadhiyo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Hadafkiisu waa inuu isagu muuqdo. Wuxuu rabaa in dadku isaga ka hadlaan (Personal branding) halkii ay ka hadli lahaayeen nuxurka warka. Wuxuu adeegsadaa qofka uu waraysanayo si uu asagu ammaan uga helo qayb ka mid ah bulshada.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu fiiriyaa xeerarka anshaxa saxaafadda (Ma run baa? Ma lagama maarmaan baa? Ma loo baahan yahay?). Haddii uu qof aqoonyahan ah waraysanayo, ma dhibayso lebiskiisu ilaa uu yahay mid meel-ka-dhac ku ah qiyamka guud, laakiin kama dhigo cudurdaar uu waraysiga ku gubo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu xoogga saaraa shakliga iyo muuqaalka kore. Wuxuu iska dhigaa "Ilaaliyaha anshaxa" isagoo isticmaalaya "Double Standards" (Laba-wejiileyn). Tusaale: Wuxuu ogolaan karaa nin aan hufnayn, laakiin wuxuu diidayaa gabadh timuhu u muuqdaan si uu "Ducaysane" uga helo culimada ama dadka mayalka adag.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Haddii uu dhibsanayo lebiska ama muuqaalka qofka, wuxuu u sheegaa inta aan la duubin ka hor. Wuxuu yiraahdaa: "Fadlan, maadaama aan nahay TV hebel, waxaan rabnaa in lebisku sidan ahaado." Waa xirfad iyo hufnaan.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuu iska duubaa isagoo og, ka dibna markii la dhammeeyo ayuu yiraahdaa "Ma baahinayo." Tani waa khiyaano mihnadeed iyo waqti lumis uu ku sameeyay qofka martida ah.

- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu ka hadlaa dhibka taagan iyo xalka.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu Facebook soo dhigaa: "Waan diiday inaan baahiyo waraysigii heblaayo," isagoo raba in loo sacab tumo. Wuxuu ka ganacsadaa "Moral Superiority" (Inuu dadka kale iska sarreysiiyo xagga akhlaaqda).

Ugu dambayantii wariyaha runta ahi waa buundo xogta gudbisa, laakiin kan is-tuska ahi waa derbi xogta xanniba si uu isagu "sawir qurxoon" u yeesho.



Yusuf Ali Adan
Yusuf@yusufali.site 

Gorgortanka masiirka Soomaaliya


Geeska Afrika maanta ma aha meel looga sheekeeyo daris-wanaag, balse waa fagaare ay ku loolamayaan quwado caalami ah iyo kuwo gobol, halkaas oo Soomaaliya ay u muuqato miiska raashinka lagu dhex cunayo halkii ay ka ahaan lahayd dowladda miiska fadhida.


 Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee Itoobiya, xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waa farriin dublamaasiyadeed oo culus. In kasta oo Turkigu yahay saaxiibka ugu dhow ee dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, haddana waa dal raadinaya danahiisa dhaqaale iyo kuwa istiraatiijiyadeed.

  • Turkigu wuxuu heshiis sedbursi ah la saxiixday dowladda Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo u shidaal uga baadhayo badda Soomaaliya. Si uu hawlgalkaas si nabad ah u fuliyo, wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha Itoobiya.

  • Erdogan wuxuu doonayaa inuu Itoobiya ku qanciyo in badda Soomaaliya lagu gaadhi karo nidaam dowladeed, isaga oo dhanka kalena ilaalinaya saaxiibtinimada Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya aysan sii ahaan karin dal xidhan. Hadalkiisa ku aaddan in 135 milyan oo Itoobiyaan ahi ay bad u baahan yihiin waa "dhawaaq dagaal" oo lala beegsaday madaxbannaanida Soomaaliya. Itoobiya waxay doonaysaa inay xoog ama xeelad ku hesho marin badeed, iyadoo isticmaalaysa daciifnimada dadka iyo dowladda  Soomaaliya.


Garabka Koowaad (Damaca iyo Is-ballaarinta)

Garabka Labaad (Is-difaaca iyo Dheelitirka)

Itoobiya, Imaaraadka, Israa'iil

Turkiga, Masar, Sacuudiga

Waxay ka shaqaynayaan inay Itoobiya hesho marin badeed si loo wiiqo awoodda dalalka Carabta ee badda cas iyo in la abuuro khariidad cusub oo ganacsi.

Waxay rabaan in la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya si loo ilaaliyo amniga Badda Cas (Suez Canal) iyo in laga hortago saamaynta Imaaraadka.

Halka dalalkii adduunku ay ka doodayaan xuduudaha badda Soomaaliya iyo kheyraadka hoos yaalla, madaxda Soomaalidu waxay ku jiraan dagaal "fataal" ah.

  • Dadka Soomaaliyeed waxay ku mashquulsan yihiin xurguf qabiil, iyagoo kala taageeraya nidaamyo goboleed oo shisheeyuhu dabada ka riixayo.

  • Halka Abiy Ahmed uu ka hadlayo masiirka 135 milyan oo qof, madaxda Soomaalidu waxay isku haystaan muddo kororsi, saami-qeybsi beeleed, iyo dano shakhsi ah oo aan ka weynayn "mis-qaala darati".


Waa wax laga naxo in xilligii dalka la badbaadin lahaa, ay Siyaasiyiintii Soomaalidu ku mashquulsan yihiin "Anniga Kursiga leh?" iyo "Annaga deegaan hebel leh?". Haddii aan laga kicin hurdada qabyaaladda iyo danaha gaarka ah, waxaa dhici doonta in jiilka soo socda ay marti ku noqdaan dalkooda, iyadoo calanka Turkiga, Itoobiya, iyo Imaaraadku uu ka dul ruxmayo khayraadkii ay lahaayeen.



Yusuf Ali Adan

Yusuf@yusufali.site 

Billowga Saaxiibtinimada madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Deni Yaxaas.


Waxa jiri jiray Danyeer deggen geed tufaax oo ku yaalla qarka wabiga Shabeelle. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa geedka hoostiisa yimid Yaxaas aad u gaajaysan oo Puntland ka soo hayaamay. 

Danyeerkii oo naxariis leh ayaa dhowr xabbo oo tufaax ah u tuuray Yaxaaskii.

​Yaxaaskii aad buu ugu farxay dhadhanka tufaaxa, wuxuuna bilaabay inuu maalin kasta u yimaado Danyeerka si ay u sheekaystaan, tufaaxna u siiyo, waxayna noqdeen saaxiibo dhow.
Maalin ayaa ​Yaxaaskii, tufaax u geeyay xaaskiisii oo tuulo Garoowe joogta. Markii ay dhadhamisay, ayay tiri: ​"Haddii uu tufaaxan sidan u macaan yahay, qofka maalin kasta cuna wadnihiisu sow kama macaan badna?. Waxaan rabaa inaad ii keento wadnaha saaxiibkaa Danyeerka.

​Yaxaaskii markii hore waa diiday, laakiin xaaskii ayaa ku adkaysatay ilaa uu ugu dambayn oggolaaday inuu saaxiibkiis khiyaameeyo.

​Yaxaaskii ayaa u yimid Danyeerkii wuxuuna ku yiri: "Saaxiib, xaaskayga ayaa kugu martiqaadday casho caawa si ay kaaga mahadceliso tufaaxa." 

Danyeerkii wuu oggolaaday, wuxuuna ku booday dhabarka Yaxaaska si uu wabiga uga gudbiyo oo tuulo Garoowe loo geeyo.

​Markii ay dhexda marayeen, Yaxaaskii ayaa dareen damqasho leh dareemay oo runta u sheegay Danyeerkii: "Saaxiib, xaaskayga ayaa rabta inay wadnahaaga cunto."

​Danyeerkii oo aad u argagaxay laakiin aad u caqli badnaa ayaa ku yiri Yaxaaskii: ​"Saaxiib, mar hore iigu sheegi wayday? Annaga danyeerada ah wadnahayaga kuma sidano feeraha, ee waxaan kaga tagnaa geedka tufaaxa dushiisa markaan meel aad u fog aadayno. Na celi si aan u soo soo qaadne dumaashi!".
​Yaxaaskii doqonka ahaa ayaa rumeeystay warkii danyeerka, dib ayuuna u celiyay. Markii ay berriga ku dhawaadeen, Danyeerkii ayaa si degdeg ah ugu booday geedkii tufaaxa dushiisa.

​Markii uu ammaan helay, ayuu yiri: "Nacas yahayow, ma jiraa qof wadnihiisa geed kaga taga?. Maanta wixii ka dambeeya saaxiibtinimadeenii way dhammaatay!.

Yusuf Cali 
Yusufcadam@gmail.com 

Tuesday, June 14, 2022

Waa Kuma Wadaadka aan Dhicin?



Magiciisu waa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxa uu kujiraa da' todobaatanaad. Taasi waxay ka dhigaysaa in uu yahay mid kamida saddexda nin ee ugu da'da wayn madaxda Soomaaliyeed ee geeska Africa (waxa ay isku fac' yihiin Geella-ha Jabuuti iyo Biixi-ga Somaliland). 


Magiciisa waxaa si fiican loo bartay kaddib soobixitaankii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa (2006) oo uu kasoo galay dhinaca guutadii Raaskaanbooni ee uu odayga ka ahaa Sh. Xasan Cabdalle Xirsi (Xasan Turki) - AHN - oo ay xigto iyo xidid hoose ahaayeen. 


Isla xilligaa (2006) waxa uu kamid noqday xubnihii Muqdisho ku aas'aasay ururka Al-shabaab, waxa uuna noqday guddoomiye ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ururka isaga oo ku yimid saamiga guutada Raaskaambooni, halka ay jagada guddoomiyaha na qaateen guutadii Salaaxudiin Al-ayuubi ee Axmed Godane (AHN) iyo Aadan Cayrow (AHN).


Waxaa kale oo uu soo noqday (2006) gudoomiyihii Jubbada Hoose ee Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah. 


Kaddib duullaankii Ciidamada Itoobiya ee Koonfurta Soomaaliya, waxaa isaga oo dhaawaca qabtay Sirdoonka Maraykanka iyo Itoobiya, waxaana muddo lagu hayay isla markaana lagu dhaawicinayay guri ku yaalla magaalada Addis Ababa oo la haayeen sirdoonka Itoobiya (TPLF). Waxaa loo badiyaa in uu halkan ka billowday xidhiidhka wanaagsan ee uu la yeeshay sirdoonkii Itoobiya (TPLF), Kenya kan Markaykan. Walow ay jiraan tuhumo kale oo sheegaya in uu xidhiidhkiisu ka horreeyey qabashadiisa; haddana wax caddayna looma hayo, ogaalkay. 


Waxa uu xabsigii kasoo baxay (2009) ama lasoo daayay kaddib heshiis dhex-maray Isbahaysigii Dibu-xoraynta Soomaaliya (ARS) iyo dawladdii TFG.  


Waxa uu markaa noqday xubin ka tirsan Baarlamaankii cusbaa ee lagu soo dhisay Jabuuti (2009) isaga oo kasoo galay dhinaca saamigii ARS. 


Isla sannadkaa (2009) waxa uu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka, waxa uuna iskaga baxsaday dawladdii Sh. Shariif isaga oo dib ugu laabtay Raaskaambooni iyo Xisbul-Islaam (kooxihii Sh. Xasan turki iyo sh, Xasan Daahir Aways), waxa uuna markii dambe noqday (2010) taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose. 


Kaddib dagaallo isaga iyo Al-Shabaab dhex maray oo ku saabsanaa gacan-kuhaynta Kismaanyo waxa uu noqday Jabhad fadhigiisu yahay xuduud-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya oo kutiirsan kaalmada sirdoonada Kenya iyo Itoobiya, taas oo ugu dambayn u suurtagalisay in uu mar kale Kismaanyo dib u qabsado dhammaadkii 2012, isaga oo ay galbinayaan guutooyin ka tirsan ciidanka difaaca Kenya (KDF) oo markaa oggolaansho-la'aan kusoo galay soomaaliya. Duullaanka ciidanka Kenya, waxaa ka hor-yimid Madaxwaynihii dawladda TFG, Sh. Shariif; hayeeshee dheg looma jalaq-siin.


Isla dhammaadkii sanadkaa (2012) ilaa August 2013, waxa uu Kismaayo ka ahaa hoggaamiyaha maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Jubbaland


August 2013, waxa uu qabtay doorasho muran dhalisay oo uu ku noqday Madaxwaynaha rasmiga ah ee maamulka Jubbaland. Kenya iyo Itoobiya way aqoonsadeen doorashadiisa si deg-dega; laakiin waxaa kasoo hor-jeedsaday dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo uu markaa joogay Xasan Sh. Maxamuud, waxaana Kismaayo lagaga dhawaaqay dhawr Madaxwayne oo kale oo ay kamid ahaayeen: Barre Hiiraale iyo Iftiin Baasto. 


Si khilaafkaa loo dhammeeyo waxaa isla sanadkaa (2013) Addis Ababa lagu heshiisiiyay Axmed Madoobe iyo Dawladdii Xasan Sheekh + raggii kale ee Kismaayo ka sheegtay Madaxwaynayaasha. Axmed Madoobe, waxaa markan lagu qan-ciyay in uu qaato laba sano (2) sano oo maamul kumeel-gaadha (2013 - 2015), kana tanaasulo afarta sano. Doorka dhex-dhexaadinta waxaa lagu qabtay magaca urur gobaleedka IGAD; laakiin waxaa sal iyo baar ka shaqaysay saraakiishii TPLF oo dhinacyada oo dhan xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyay, si gaara Axmed Madoobe.


August 2015, waxa uu mar kale qabtay doorasho kale oo muran badan dhalisay laakiin la odhan karo waatii ugu roonayd xaggiisa, waxa uuna qaatay muddo xileed cusub oo afar sano ah (2015 - 2019). 


Mar saddexaad, August 2019, waxa uu qabtay doorasho kale oo la-jaada kuwii hore, waxa uuna mar saddexaad noqday Mw. Jubbaland oo muddo xileedkiisu yahay afar sano (August 2019 – August 2023). 


Sida tii 2013'kii, waxaa Kismaanyo lagaga dhawaaqay Madaxwaynayaal kale sida: Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig. Mar kale (si lamida 2013), dawladda dhexe ee soomaaliya ee Farmaajo hoggaankeeda joogay ma aqoonsan doorashadiisa; laakiin waxaa si deg-dega u aqoonsatay dawladda Kenya oo caleema-saarkiisii u soo dirtay wafti heer sare ah oo uu hor ka cayay hoggaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale. (Itoobiya xilligan isbeddel ayaa ka jiray, kooxdii TPLF ee Axmed ku tiirsanaana talada waa laga tuuray oo hiil kamuusan helin)..


khilaaf muddo u dhexeeyay isaga iyo dawladda dhexe, waxaa goor dambe (sidii 2013 dawladdii Xasan sheekh) loo oggolaaday in uu qaato laba (2) sano oo kumeel-gaadha isla markaana qayb ka noqdo hanaanka doorashada dad'ban ee dalka (2020/2021) isla markaana dibu-heshiisiin loo sameeyo Jubbaland'ta qaybsan. Siyaasiyiintii sheegtay madaxwaynayaasha Jubbaland (Seeraar iyo xidig) iyana waxaa arrinkooda dhammeeyay dawladda Kenya oo uu hay'adaheeda amniga xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyay. 


Intii lagu guda jiray jiitanka doorashada iyo hubant-la'aanta siyaasadeed ee dalka waxaa uu qaatay go'aammo baalmarsan ama burinaya xeerarka iyo heshiisyada dalka. Waxa kamida: 


1) in uu heshiis hoosaad la galay shirkadda boobka dekadaha soomaaliya u qaabilsan Imaaraadka ee DP-WORLD, taas oo dekadda Kismaanyo la wareegi-doonta isla markaana samayn-doonta ciidan lamida kan Imaaraadka u jooga dekadda Boosaaso - si uu ciidankaasi u ilaaliyo masaalixda iyo mashaariicda UAE. (Ciidanka haddaaba la qoraa oo la diyaarinayaa). 


2) in uu dhoofiyay dhuxuushii ugu bad'nayd oo muddo dheer Kismaanyo taallay, taas oo uu gacan qarsoon ku lahaa R/Wasaare Rooble. (Dhuxusha Soomaaliya waxa uu golaha ammaanku kasoo saaray qaraar lagu mamnuucay dhoofinteeda).

  

3) in uu noqday siyaasiga kaliya ee buriyay heshiiskii/xeerkii doorshada dad'ban ee soomaalidu ku heshiisay isla markaana xildhibaanadii gobalka Gedo kusoo xulay xero ay leeyihiin ciidanka Kenya oo ku taalla duleedka magaalada Ceel-waaq.


Hadda, waxa uu macasalaameeyay nidaamkii saddexaad ee DFS ee ay is qabtaan (aan idhaahdee loo adeegsaday, — waa markii aan ka reebno nidaamkii Cabdullaahi Yuusuf oo uu la dagaalamay isaga oo ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga). Waxa uuna isu diyaarinayaa dagaalka Madaxwaynaha afraad ama shanaad ee JFS (waa Xasan Sheekh oo ay ciyaari dhexda u taallay 2016). 


Hadda ba, Su'aasha qiimaheedu halka milyan joogaa waxa weeye: Waa maxay sirta ka dambaysa in Axmed Madoobe 10 sano iska fadhiyo Kismaanyo islamarkaana la dagaalamo dawlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata?! 


Jawaabtu waa sahal! Waxaa Kismaanyo ku haya oo u adeegaa xoog ama xoogag shisheeye oo ka awood badan dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dadka reer Jubbaland labadaba. 

(daanyeer dhici waayay laanbuu haystaa).


------------


Friday, January 21, 2022

Weli Ma Ka Maqashay Warbaahinta Reer Galbeedka Xasuuq Ayaa Tigreey Ka Geystay Koonfurta Soomaaliya?



W
arbaahinta gumeystaha Ingiriisku ee BBC laanteeda Afsoomaaliga ayaa qortay in ciidamada Soomaaliya xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya; iyadoo aan ognahay in idaacadaasi iyo guud ahaan warbaahinta reer Galbeedku aysan weligeed xasuuq ugu yeerin wixii Tigreegu ka sameeyey koonfurta Soomaaliya.


Qaarba dhihi doonna ciidankii Tigreegu wuxuu Soomaaliya ku yimid dalab dowladdeed, haddii jawaabtu sidaas tahay ciidanka Soomaaliyeedna wuxuu halkaa ku tegey dalabka dowladda Itoobiya.


Waxay yiraahdeen kaniisadaha ayaa ciidanka Soomaalidu dadka ku gowracayay... Kuwii tigreeguba masaajida ayuu dadka ku gowracayay.


Haddaad tiraahdan askarta Soomaalidu gabdhahii Tigreega ayay kufsadeen, kuwii Tigreeguba gabdho Soomaaliyeed ayay kufsi iyo xadgudub ku sameeyeen ee maxaa kala fadilay xadgudubyada?. Dabcan jawaabtu wax kale maaha waa dan reer galbeed oo diin aysan ka maqnayn.


Inkastoo warkani yahay dacaayad Ingiriis iyo reer Galbeed; haddana waxaan leeyahay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya dayaacadan raqiiska ah ka gudbiya cabasho rasmi ah... waayo maaha in xorriyad la innooga dhigo ku xadgudubka iyo faafinta wararka beenta ah ee ciidankeenna sharafta mudan.


Yuusuf Cali

Saturday, January 1, 2022

Waa Maxay Afgembi?


 


Afgembi= Maalmahan ereygan ayaan maqlayna sidii madaxwaynaha jamhuuriyaddu u nasakhay  ra'iisul wasaare Rooble.. 


Farmaajo iyo Rooble haddii aan dhahno kuma ayaa ku dhaqaaqay afgembi, waxaan dhihi karnaa Rooble ayaa ku dhaqaaqay afgembiga runta ah, isagoo garab ka helaaya dalal shisheeye.


• Ciidanla Rooble waxay harreereyey madaxtooyadii qaranka.

• Rooble qabsaday warbaahintii qaranka; farriintada in la baahiyo waa muhiim markii aad afgembi samaynayso, hadaba, Roo



ble wuxuu qabsaday warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkiisa u adeegsadaan

• Rooble wuxuu la wareegay wasaaraddii gaashaandhigga, amniga qaranka, warfaafinta. 

• Rooble wuxuu dadka Soomaalida hortooda ka sheegay inuusan aqoonsanayn madaxwaynahii magacaabay... arrinta oo ka dhigan anniga madaxwayne ah wixii xilliga ka dambeeya.

• Rooble wuxuu Muqdisho soo geliyay ciidamo ku hayb ah, isagoo sheegay in amniga Muqdisho ay la wareegayaan ciidan isku dhaf u ku sheegay oo ka amarqaata midowga mooryaanta iyo isaga. 

• Rooble wuxuu ciidamo beeleed dhigay oo  xirtay waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala madaxtooyadda qaranka

• Shisheeyahii waxay soo saareen digniino; waana calaamadaha muujiya afgembiga. 


Afgembiga lagu sheegaya waa ciidanka, idaacada iyo telefeeshinka dalka oo lala wareego si afkaartaada ay u gudbiyaan, iyo madaxwaynaha oo xabsi guri la geliyo... intaasina Rooble ayaa ku dhaqaaqay.


Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho waxaan leeyahay u soo baxa bannaanka oo muujiya taageeradiinna iyo hiilka madaxwaynaha jamhuuriyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.  


Yuusuf Cali

Yusuf@yusufaliadam.com / Yusuf@journalist.com 

Sunday, October 3, 2021

Taariikhdu Ma Duugowdo



Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1975-kii waxaa abaar ba'an oo loo bixiyay abaartii Dabadheer ay ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan gobolladii Waqooyi iyo Bartamaha Soomaaliya. 


Waa loo gurmaday Waqooyi, dadkii dhibaateysnaa ayaa lala gaaray gurmad deg deg ah, Raashin, dawo iyo dhar, intaa looguma simine dhammaantoo dadkii dhibaateysnaa iyo xoolihii yaraa ee noolaa ee u haray ayaa baabuur waaweyn lagu soo daad intii ka hartay ayaa la soo daad gureeyay oo la soo raray 18-kii June 1975, waxaana la dejiyay deegaannada Koonfureed, gaar ahaan Bu'aalle, Sablaale, Kuntuwaareey, Baraawe, Cadale, Danwadaagta Dajuuma iwm. 


 Martidaasi dhibaateysnayd waa loo soo dhoweeyey si heer sare ah, waa loo mashxaradayay, dhulal baa la siiyay, webiyada hareerihiisa ayaana la dejiyay, kuwii beeraleyda ahaa beerashada ayaa la baray, beerro webiyada ku dhowna waa la siiyay, kuwii kalluumeysatada ahaana waxaa la geeyay dhanka xeebaha, kalluumeysigana waa la fahamsiiyay, waxaana la siiyay doomo iyo qalab Kalluumeysi. Abaartii Dabadheer waxaa waqooyi laga soo raray 120 kun oo qofood, waxaa ka qayb qaatay gurmadkaasi 615 gawaarida xamuulka ah, 24 diyaaradod oo dadka iyo loojistikada lagu daad gureynayay, waxaa dowladdii kacaankuna ay dhistay 16 garoommo diyaaradeed oo yaryar si ay diyaaraduhu ku degi karaan haddii xaalad deg deg ay timaaddo. Tallaabadaasi walaalaha gobollada Waqooyi lagu soo rarayay waagaa ee ay qaadday dowladdii kacaanku waxay ahayd mid aad loola yaabay oo xitaa waqtigaa ku adkeyd dowladaha horumaray qaarkood, waayo arrintaa waxay u baahnayd kharash, qorshe, dhaqaale iyo awood. 


46 sano kaddib waa nasiib darro aad u weyn in walaalaha Waqooyi ay si naxariis darro ah gawaari xamuul ugu soo guraan dad Soomaaliyeed oo ku nool deegaannadooda, kuna tilmaamaan ajaanib ka timid Soomaaliya, dadkan lagu xad gudbay ayaa anacsi iyo xoolo kulahaa deegaannada laga soo musaafiriyay, gaar ahaan Laas Caanood. Dadkan la soo raafay waxaa ku jiray, dumar iyo carruur, iyagoo aan loo digin, lagu wargelin inay guuraan, hantidoodana ay la baxaan ayaa si xoog ah loo maquuniyay dukaammadoodii, hantidoodii iyo wixii ay lahaayeenna waa laga soo reebtay, taasoo ah dambi taariikhda ku qormaya. Dhammaan culumada Soomaaliyeed iyo dadka waxgaradka ah ee ku nool Somaliland waa inaysan arrintaan ka aamusin oo ay ka hadlaan, haddii kale waa qorshe la isla ogyahay oo lagu wada faraxsan yahay.


Yusuf Cali

Sunday, August 15, 2021

Argagaxisadii isu beddeshay fallaagada


Kooxda Taalibaan oo warbaahinta iyo dalalka caalamka sida Maraykanka iyo reer galbeedku u aqoonsanayeen koox argagaxiso ayaa hadda isu beddeshay koox fallaago, iyadoo la sugaayo in lagu wareejiyo awoodda Afqaanistaan. 

Taalibaan miyaa is beddelay?.

Maya, weli dhaqankoodu waa sidii hore ama ka adag, waxay dilayaan, qarxinayaan muwaadiniinta, aqoonyahanka, waxay ka soo horjeedan in gabdhuhu dugsi dhigtaan, xorriyada hadalkuna waa dhibaysa. 

Wixii loo weeraray shalay iyagu kama tanaasulin, balse kuwii weerarka ku qaaday ayaa tanaasulay sida muuqata.

Ciidankii Afqaanistaan ee 20-sanno la tababaraayay, qalabka iyo hubka casriga ah loo dhiibay, waxay isu dhiibeen nimman duur ku jiray 20 sanno.

Maxaan ka baran karnaa haddaba Taalibaan?.
Ma mowqifka iyo mayal adayga, mise in ciidanka Soomaaliyeed dalkiisa ka difaaci karin Alshabaab haddii dhammaadka sannadkan Amisom isaga baxdo dalka?. Ma arki doonna argagaxisada Alshabaab oo loogu wacaayo jabhad fallaago, xukunkana loogu wareejin sida kooxda Taalibaan?.

Kumanaal qof dhiiggoodii waxaa laga soo qaaday wax aan jirin, qiimana lahayn. Waayo kuwii qarxiyay oo dilay ayaaba lagu abbaalmarin awooddii iyo talladii dadkay gowracayeen.

Wax kasta ka filo dunida is gedgedinta badan, nimman dadkiisa iyo dalkiisa ku tashani cadow kama adkaado.

Yusuf Cali Aadam



Monday, June 7, 2021

Gabooye/Midgaan/Boon Ma guurbaa ka maqan mise caddaalad?



Ninna ma odhan khasab ha lagu guursado wiilasha ama gabdhaha Gabooye, Boon, Jareer I.w.m. balse haddii gabadh laga soo doontay ama wiil iyo gabar is-calmaday aad khasab ku kala kaxaysid adigoo fiirin qabiilka wiilka ama gabadha sow taasi dembi maaha?, Soomaalidu intooda badan waa dad isu guursada xigaalo iyo qaraabo i.w.m. qaba'iilka aad hayb-sooca ku samayseena dabcan maaha kuwa guur idiinka tuugsan ee waxay idiin weydiisan oo keliya markii la idiin baahdo inaan dembi laga dhigin guurkooda. Sidoo kale waxay idiinka doonayaan waa inaad u oggolataan xaqqooda saamiga awoodda madama ay yihiin sida aan annigu aaminsan ahay dadka Soomaalida ugu tiro badan, iyo inaad shaqooyinkooda iyo hibooyinka Eebbe siiyay ku ixtiraamtaan.

Dalalka Galbeedka ee aan ku nool nahay shaqooyinka dadkaasi carruurtooda yaryari aqoonta u leedahay iska dhaaf waayeelkoode jaamacaddo iyo iskuulo farsamo gacmeed ayaa loo raadsada. Innaguna halkii aan ka faa'iideysan lahayn ayaan ceeb uga dhigayna, ku aflagaadaynaynaa, sharaftoodana meel uga dhacaynaa innagoo ugu wacayna magacyo dabcan qaarkood aysan raalli ka ahayn.
Yaysan dooddu idiinla eekan keliya guur, guurku khasab maaha ee waa dookh iyo ka helitaan, labadii iska hesha ha is guursadeen, oo ceeb ha ka dhigina weeye mida laga hadlaya iyo in la isku ixtiraamo shaqooyinka, lana kala faa'iideysto.
Waxaan aaminsan ahay haddii laga faa'iideysan lahaa dadka la quursanaayo inuu dalkeennu ka mid noqon lahaa dalalka adduunka ugu horumarsan dhinaca tiknoolijiyada iyo farsamada gacanta.

W/Q Yusuf Cali Aadam

Saturday, March 20, 2021

Intuu qabtay Siyaad Barre ayaa ka badan intuu bi'iyey.


Maaha wax la dafiri karo waxqabadkii maamulkii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, laga soo billaabo dhismaha dalka, qoritaanka afka soomaaliga iyo weliba inaan ahayn dal dadkiisu uusan meel kasta ku dayacnayn.
Dalku wuxuu lahaa dowlad baasaboorkeeda la aqoonsan yahay, waxbarasho illaa heer jaamacaddeed oo lacag la'aana, cusbitaalo bilaash ah, ciidan ilaaliya xuduuddaheena badda, cirka iyo dhulka oo aan ahayn mooryaan umulo dooxa. Muwaadinka Soomaaligu wuxuu ahaa mid sharaf leh, dunidana qaxooti kuma ahayn meel kasta; hooyo iyo ilmo Soomaaliyeed kuma dhibaataysneyn qurbe, baddaha dhallinyaro Soomaaliyeed iyagoo gaajo ka cararaya uguma geeriyooneyn. Sidoo kale Kenyaati damac ugama jirin badda Soomaaliya taas beddelkeeda NFD ayaa Soomaali raadinaysay inay xor ka noqoto gumaysiga Kuukuyo.

Ma lihi maamulkii Siyaad Barre wuxuu ahaa shariif ka maran ceeb ama xadgudub binu aadannimo, balse wuxuu dhaamay kun jeer horjoogeyaasha waqtigan mustaqbalka tiray boqolaalka dhallinyarada ah.... maanta Soomaalida afsoomaaliga qori iyo akhrin ogi; waa ka yar tahay tiradii soddon sanno ka hor ay joogtay. 

Waxaan aaminsan ahay haddii maanta dowladdii Soomaaliya sii jiri lahayd inaan dunida meel sare ka joogi lahayn.

Yusuf Cali

Monday, March 8, 2021

Warsangeli/Dubeys iyo Raxanweyn argagaxisada Puntland?!.


Labadan qabiil waxay ka siman yihiin in loogu xadgudbay sharaftooda, maalkooda iyo dhiiggooda deegaannada Puntland. 

Warsangeli/Dubeys waa reerka deegaanka labada albaab ee magaalada buuraha dhexdoodda ku taalla ee Boosaaso Ceelaayo iyo Laag labadaba waxaa deegaan u yihiim tolka Dubeys ee Warsangeli.

Raxanweyn intooda badan waxay magaalada Boosaaso yimaadeen kadib burburkii dalka Soomaaliya, waa xoogsato sharaf leh, dad shaqo oo aad u yaqaan sida shillinka god kasta looga soo saaro. Puntland guud ahaan gaar ahaan Boosaaso waxay kala kulmaan faquuq iyo sinji cay.

Labada reer, midna waxaa lagu bartilmaameedsan ganacsigooda iyo horumarka ay sameeyeen iyagoo deegaankoodii ka dheer, halka mida kalena u ku socdo barakicin dhulleed; iyadoo loo dig iyo dam leeyahay khayraadka dabiiciga ah iyo macdanta ka buuxdo dhulkooda.

Argagaxiso ayaa laga baadi-goobaya beeraleey, bakhaarleey iyo bagaashleey, iyadoo aan loo tegi karin kooxaha Daacish iyo Alshabaab ee saldhigyada ku leh deegaannada u dhow Qandala, Baargaal, Xaafuun, Dhuudo iyo Bender Bayla iqkb, sababtuna wax kale maaha ee kuwaasi waa Majeerteen ama Saleebaanno.

Soomaalidu waxay tiraahda "Ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa!", mar kalena waxay tiraahda "Miskiin baa Misko la fuulo leh!"

- Yusuf Ali Adan
Yusuf@yusufali.site 

Ijaabo Yusuf Dhegool xaaska horjooge Siciid Deni oo la wareegtay dhulkii wasaaradda hawlaha guud ee Boosaaso



Horjooge Siciid Deni oo deegaannada Puntland looga aqoon ogyahay Jeerta Ooman ayaa ku wareejiyay xaaskiisa Ijaabo Yusuf Dhegool mulkiyada dhulkii wasaaraddii hawlaha guud ee magaalada Boosaaso, maaha markii ugu horreeysay ee qoyska Deni Jeerta ooman la wareegan hanti dadweyne.


Asbuucii hore ayay ahayd markii faraca Qardhood ee wakaaladda xooga korontada u la wareegay walaalka Ijaabo Dhegool oo lagu magcaabo Maxamed Yuusuf Dhegool.

Xigasho- www.sirqarsoon.com 

Sirqarsoon@gmail.com

Sunday, March 7, 2021

Jeerta Ooman Oo Cagta Saaray Dhabihii Afwaliinjo


 Qandaraaskii shisheeyaha 'shillinka uga cuni jiray Afwaliinjo mid la mid ah ayuu horjooge Deni Jeerta Ooman; quud ka raadiyay isagoo ka billaabay tuulada Xamur oo Boosaaso u jirta qiyaastii 40KM. Saaka hiirtii waaberi maleeshiyaad la heyb ah horjooge Deni ayaa weerar ku qaaday beeraleey aan waxba galabsan kuwaas oo laga dhigay qaar la dilo, in la xiro iyadoo hantidoodiina la burburiyay.

Afwaliinjo ayaa hore sidaan oo kale u gubay beerahii timirta ee Galgala, isagoo barakiciyay dadkii ku noola deegaankaasi. 


Jeerta Ooman ayaa xirtay kabihii Afwaliinjo ee barakicinta, burburinta iyo laynta beesha galbeedka magaalada Boosaaso. Wuxuuna ka billaabay Xamur oo ah dhul beeraad ay deegaan u ah beesha dhuunta Boosaaso deegaankeedu yahay.


Deni ayaa doonaya inuu deegaanka Xamur u burburiyo sidii Galgala, waxaana u durba billaabay inay maleeshiyaadkiisu dab qabadsiiyan beerahii timirta, sidoo kale gubaan dhirtii, halka ay gowraceen qaar ka mid ah beeraleeydii tuulada Xamur. 


Waxaad mooda Jeerta Oomani u xusul duubayso hurinta colaad lagu doonayo in looga helo shisheeyaha shillimaad, lagana leeyahay danno gaar ah iyo aarsi hore.


Beesha horjooge Deni ayaa horey ugu khasaartay heshiiskii 2006 ee shikardii macdan baarista ee Rage Resource ee laga leeyahay dalka Austaralia.



Yusuf Cali Oo ku sugan Xamur 2009.


Yusuf@journalist.com 

Wednesday, February 24, 2021

Maroodigu Takarta saran ma arkee; ka kale Takarta saran buu arkaa



Horjooge Deni iyo maamulka beeshiisu uma oggola dadka deegaanka Puntland xorriyad, bannaanbax, demqoraadiyad iyo nololba... taas beddelkeeda waxay ka shaqeeyan isku dirka, dagaallada ehelka, sicir bararka, boobka hantida dadweynaha iyo weliba qabyaalad qaawan.

Ninka sidaas ah ayaa doonaya inuu naga dhaadhaciyo Farmaajo ayaa keligii taliye xukun boob ah. Waa run oo lama inkiraayo inuusan Farmaajo qaban doorashadii lagu balllansana, balse weyddiintu waa ma lagala shaqeeyey inuu hawsha qabto?
Sow maamul qabiileedka Puntland maaha midka mar kasta hor taagna horusocodka dowladda iyo horumarinta dalka?
Sow Puntland maaha kuwii mar kasta lahaa nagalama tashan iyo socon mayso haddii aan sidaan rabno la yeellin?
Sow Puntland maaha kuwa shisheeyaha farogelinta ku haya Soomaaliya soo dhoweysanayay?.
Markuu ka xirmay dariiqi Addis Ababa iyo Amxaarkii loo tegi jiray, Imaarat iyo Kenyaati kuwa dabbada kula jiraa sow Puntland maaha?.
Jaalle Siyaad oo ka awood iyo xukun adka Farmaajo ayaa xoog ku maamuli waayay Soomaali, ma filaayo inuu Farmaajo oo Amisom ilaaliso dalka Soomaaliya xoog ku haysan karo....
Deni iyo kuwa la cayna ee caqliga Jeerta lihi waxay doonayaan inay caqliyadeena ku ciyaaran, balse waxaysan ogeyn dadku inaysan ahayn ciyaalkii Ciise Riyoole ee barxada Garoowe fadhiyay.
Puntland ayaa u baahan demqoraadiyad iyo inay ka baxdo qori isku dhiibka Ilmo Maxamuud (Cusmaan, Ciise iyo Cudur).
Dadka Puntland 21 sanno ayay hoos fadhiyaan maamul qabiileed qori isu dhiib ah, horumar la'aan, jahli iyo colaado hubka la isugu dhiibo dhexdoodda oo maalinba reer la baacsado.
Muqdisho dadkeedii ayaa xukunkeedu gacantooda ku jira, marka laga reebbo kursiga Farmaajo... xafiis walba iyo xurun kasta waxaa jooga qof u dhashay deegaanka gobolka Banaadir... Hubku wuxuu gacantooda ku jira hoggaamiyeyaasha beesha Xamar deggan, waqtiguna maaha xilligii kelitaliskii Siyaad Barre ama colkii Amxaarada ee Cabdullaahi Yusuf Axmed Yey.
Deniyow dadka Puntland u oggolow xorriyadooda intaad ka hadlin Xamar iyo meel ka fog.


Yusuf Cali Aadam

Sunday, September 13, 2020

Saturday, July 25, 2020

Bedelka Khayre ma wuxuu noqon doonna adeege cusub, mise quusiyaha damaca waalan ee Farmaajo?


Soomaalidu waxay tiraahda "labadii xaaraan ku heshiisay; xaqna kuma heshiiyaan", ugu dambeyn Xasan Cali Khayre wuxuu ku baxay fudeedkii Farmaajo lagu yiqiin. Saacado yar kadib markii xilka laga qaaday ra'iisal wasaarahii hore Xasan Cali Khayre,

Saturday, July 11, 2020

Puntland Mise Ilmo Maxamuud Laan?


Qoddob ka mid ah distuurka maamulka Puntland ayaa lahaa, awoodda oo dhan Eebbe ka sokow waxaa iska leh dadweynaha, balse waxaa muuqata in si aan waafaqsanayn shuruucda lagu heshiiyay ay hal reer oo gooni ahi ugu takrifalayaan awooddii ciidan, dhaqaale iyo maamul...iyadoo aan wax tallo ah laga gelin beelahii kale ee maamulka la dhistay.

Sunday, July 5, 2020