Home » All posts
Monday, February 23, 2026
Sunday, February 22, 2026
Saameynta ka dhalan karta "Madax-goynta" Hoggaanka Iiraan
February 22, 2026 Yusuf Ali
Tuesday, February 17, 2026
Wariyaha Mihnadda leh iyo Wariyaha Is-tuska ah.
February 17, 2026 Yusuf Ali
Gorgortanka masiirka Soomaaliya
February 17, 2026 Yusuf Ali
Geeska Afrika maanta ma aha meel looga sheekeeyo daris-wanaag, balse waa fagaare ay ku loolamayaan quwado caalami ah iyo kuwo gobol, halkaas oo Soomaaliya ay u muuqato miiska raashinka lagu dhex cunayo halkii ay ka ahaan lahayd dowladda miiska fadhida.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee Itoobiya, xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waa farriin dublamaasiyadeed oo culus. In kasta oo Turkigu yahay saaxiibka ugu dhow ee dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, haddana waa dal raadinaya danahiisa dhaqaale iyo kuwa istiraatiijiyadeed.
Turkigu wuxuu heshiis sedbursi ah la saxiixday dowladda Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo u shidaal uga baadhayo badda Soomaaliya. Si uu hawlgalkaas si nabad ah u fuliyo, wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha Itoobiya.
Erdogan wuxuu doonayaa inuu Itoobiya ku qanciyo in badda Soomaaliya lagu gaadhi karo nidaam dowladeed, isaga oo dhanka kalena ilaalinaya saaxiibtinimada Muqdisho.
Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya aysan sii ahaan karin dal xidhan. Hadalkiisa ku aaddan in 135 milyan oo Itoobiyaan ahi ay bad u baahan yihiin waa "dhawaaq dagaal" oo lala beegsaday madaxbannaanida Soomaaliya. Itoobiya waxay doonaysaa inay xoog ama xeelad ku hesho marin badeed, iyadoo isticmaalaysa daciifnimada dadka iyo dowladda Soomaaliya.
Garabka Koowaad (Damaca iyo Is-ballaarinta) | Garabka Labaad (Is-difaaca iyo Dheelitirka) |
Itoobiya, Imaaraadka, Israa'iil | Turkiga, Masar, Sacuudiga |
Waxay ka shaqaynayaan inay Itoobiya hesho marin badeed si loo wiiqo awoodda dalalka Carabta ee badda cas iyo in la abuuro khariidad cusub oo ganacsi. | Waxay rabaan in la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya si loo ilaaliyo amniga Badda Cas (Suez Canal) iyo in laga hortago saamaynta Imaaraadka. |
Halka dalalkii adduunku ay ka doodayaan xuduudaha badda Soomaaliya iyo kheyraadka hoos yaalla, madaxda Soomaalidu waxay ku jiraan dagaal "fataal" ah.
Dadka Soomaaliyeed waxay ku mashquulsan yihiin xurguf qabiil, iyagoo kala taageeraya nidaamyo goboleed oo shisheeyuhu dabada ka riixayo.
Halka Abiy Ahmed uu ka hadlayo masiirka 135 milyan oo qof, madaxda Soomaalidu waxay isku haystaan muddo kororsi, saami-qeybsi beeleed, iyo dano shakhsi ah oo aan ka weynayn "mis-qaala darati".
Waa wax laga naxo in xilligii dalka la badbaadin lahaa, ay Siyaasiyiintii Soomaalidu ku mashquulsan yihiin "Anniga Kursiga leh?" iyo "Annaga deegaan hebel leh?". Haddii aan laga kicin hurdada qabyaaladda iyo danaha gaarka ah, waxaa dhici doonta in jiilka soo socda ay marti ku noqdaan dalkooda, iyadoo calanka Turkiga, Itoobiya, iyo Imaaraadku uu ka dul ruxmayo khayraadkii ay lahaayeen.
Yusuf Ali Adan
Yusuf@yusufali.site
Billowga Saaxiibtinimada madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Deni Yaxaas.
February 17, 2026 Yusuf Ali
Tuesday, June 14, 2022
Waa Kuma Wadaadka aan Dhicin?
June 14, 2022 Yusuf
Magiciisu waa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxa uu kujiraa da' todobaatanaad. Taasi waxay ka dhigaysaa in uu yahay mid kamida saddexda nin ee ugu da'da wayn madaxda Soomaaliyeed ee geeska Africa (waxa ay isku fac' yihiin Geella-ha Jabuuti iyo Biixi-ga Somaliland).
Magiciisa waxaa si fiican loo bartay kaddib soobixitaankii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa (2006) oo uu kasoo galay dhinaca guutadii Raaskaanbooni ee uu odayga ka ahaa Sh. Xasan Cabdalle Xirsi (Xasan Turki) - AHN - oo ay xigto iyo xidid hoose ahaayeen.
Isla xilligaa (2006) waxa uu kamid noqday xubnihii Muqdisho ku aas'aasay ururka Al-shabaab, waxa uuna noqday guddoomiye ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ururka isaga oo ku yimid saamiga guutada Raaskaambooni, halka ay jagada guddoomiyaha na qaateen guutadii Salaaxudiin Al-ayuubi ee Axmed Godane (AHN) iyo Aadan Cayrow (AHN).
Waxaa kale oo uu soo noqday (2006) gudoomiyihii Jubbada Hoose ee Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.
Kaddib duullaankii Ciidamada Itoobiya ee Koonfurta Soomaaliya, waxaa isaga oo dhaawaca qabtay Sirdoonka Maraykanka iyo Itoobiya, waxaana muddo lagu hayay isla markaana lagu dhaawicinayay guri ku yaalla magaalada Addis Ababa oo la haayeen sirdoonka Itoobiya (TPLF). Waxaa loo badiyaa in uu halkan ka billowday xidhiidhka wanaagsan ee uu la yeeshay sirdoonkii Itoobiya (TPLF), Kenya kan Markaykan. Walow ay jiraan tuhumo kale oo sheegaya in uu xidhiidhkiisu ka horreeyey qabashadiisa; haddana wax caddayna looma hayo, ogaalkay.
Waxa uu xabsigii kasoo baxay (2009) ama lasoo daayay kaddib heshiis dhex-maray Isbahaysigii Dibu-xoraynta Soomaaliya (ARS) iyo dawladdii TFG.
Waxa uu markaa noqday xubin ka tirsan Baarlamaankii cusbaa ee lagu soo dhisay Jabuuti (2009) isaga oo kasoo galay dhinaca saamigii ARS.
Isla sannadkaa (2009) waxa uu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka, waxa uuna iskaga baxsaday dawladdii Sh. Shariif isaga oo dib ugu laabtay Raaskaambooni iyo Xisbul-Islaam (kooxihii Sh. Xasan turki iyo sh, Xasan Daahir Aways), waxa uuna markii dambe noqday (2010) taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose.
Kaddib dagaallo isaga iyo Al-Shabaab dhex maray oo ku saabsanaa gacan-kuhaynta Kismaanyo waxa uu noqday Jabhad fadhigiisu yahay xuduud-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya oo kutiirsan kaalmada sirdoonada Kenya iyo Itoobiya, taas oo ugu dambayn u suurtagalisay in uu mar kale Kismaanyo dib u qabsado dhammaadkii 2012, isaga oo ay galbinayaan guutooyin ka tirsan ciidanka difaaca Kenya (KDF) oo markaa oggolaansho-la'aan kusoo galay soomaaliya. Duullaanka ciidanka Kenya, waxaa ka hor-yimid Madaxwaynihii dawladda TFG, Sh. Shariif; hayeeshee dheg looma jalaq-siin.
Isla dhammaadkii sanadkaa (2012) ilaa August 2013, waxa uu Kismaayo ka ahaa hoggaamiyaha maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Jubbaland.
August 2013, waxa uu qabtay doorasho muran dhalisay oo uu ku noqday Madaxwaynaha rasmiga ah ee maamulka Jubbaland. Kenya iyo Itoobiya way aqoonsadeen doorashadiisa si deg-dega; laakiin waxaa kasoo hor-jeedsaday dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo uu markaa joogay Xasan Sh. Maxamuud, waxaana Kismaayo lagaga dhawaaqay dhawr Madaxwayne oo kale oo ay kamid ahaayeen: Barre Hiiraale iyo Iftiin Baasto.
Si khilaafkaa loo dhammeeyo waxaa isla sanadkaa (2013) Addis Ababa lagu heshiisiiyay Axmed Madoobe iyo Dawladdii Xasan Sheekh + raggii kale ee Kismaayo ka sheegtay Madaxwaynayaasha. Axmed Madoobe, waxaa markan lagu qan-ciyay in uu qaato laba sano (2) sano oo maamul kumeel-gaadha (2013 - 2015), kana tanaasulo afarta sano. Doorka dhex-dhexaadinta waxaa lagu qabtay magaca urur gobaleedka IGAD; laakiin waxaa sal iyo baar ka shaqaysay saraakiishii TPLF oo dhinacyada oo dhan xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyay, si gaara Axmed Madoobe.
August 2015, waxa uu mar kale qabtay doorasho kale oo muran badan dhalisay laakiin la odhan karo waatii ugu roonayd xaggiisa, waxa uuna qaatay muddo xileed cusub oo afar sano ah (2015 - 2019).
Mar saddexaad, August 2019, waxa uu qabtay doorasho kale oo la-jaada kuwii hore, waxa uuna mar saddexaad noqday Mw. Jubbaland oo muddo xileedkiisu yahay afar sano (August 2019 – August 2023).
Sida tii 2013'kii, waxaa Kismaanyo lagaga dhawaaqay Madaxwaynayaal kale sida: Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig. Mar kale (si lamida 2013), dawladda dhexe ee soomaaliya ee Farmaajo hoggaankeeda joogay ma aqoonsan doorashadiisa; laakiin waxaa si deg-dega u aqoonsatay dawladda Kenya oo caleema-saarkiisii u soo dirtay wafti heer sare ah oo uu hor ka cayay hoggaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale. (Itoobiya xilligan isbeddel ayaa ka jiray, kooxdii TPLF ee Axmed ku tiirsanaana talada waa laga tuuray oo hiil kamuusan helin)..
khilaaf muddo u dhexeeyay isaga iyo dawladda dhexe, waxaa goor dambe (sidii 2013 dawladdii Xasan sheekh) loo oggolaaday in uu qaato laba (2) sano oo kumeel-gaadha isla markaana qayb ka noqdo hanaanka doorashada dad'ban ee dalka (2020/2021) isla markaana dibu-heshiisiin loo sameeyo Jubbaland'ta qaybsan. Siyaasiyiintii sheegtay madaxwaynayaasha Jubbaland (Seeraar iyo xidig) iyana waxaa arrinkooda dhammeeyay dawladda Kenya oo uu hay'adaheeda amniga xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyay.
Intii lagu guda jiray jiitanka doorashada iyo hubant-la'aanta siyaasadeed ee dalka waxaa uu qaatay go'aammo baalmarsan ama burinaya xeerarka iyo heshiisyada dalka. Waxa kamida:
1) in uu heshiis hoosaad la galay shirkadda boobka dekadaha soomaaliya u qaabilsan Imaaraadka ee DP-WORLD, taas oo dekadda Kismaanyo la wareegi-doonta isla markaana samayn-doonta ciidan lamida kan Imaaraadka u jooga dekadda Boosaaso - si uu ciidankaasi u ilaaliyo masaalixda iyo mashaariicda UAE. (Ciidanka haddaaba la qoraa oo la diyaarinayaa).
2) in uu dhoofiyay dhuxuushii ugu bad'nayd oo muddo dheer Kismaanyo taallay, taas oo uu gacan qarsoon ku lahaa R/Wasaare Rooble. (Dhuxusha Soomaaliya waxa uu golaha ammaanku kasoo saaray qaraar lagu mamnuucay dhoofinteeda).
3) in uu noqday siyaasiga kaliya ee buriyay heshiiskii/xeerkii doorshada dad'ban ee soomaalidu ku heshiisay isla markaana xildhibaanadii gobalka Gedo kusoo xulay xero ay leeyihiin ciidanka Kenya oo ku taalla duleedka magaalada Ceel-waaq.
Hadda, waxa uu macasalaameeyay nidaamkii saddexaad ee DFS ee ay is qabtaan (aan idhaahdee loo adeegsaday, — waa markii aan ka reebno nidaamkii Cabdullaahi Yuusuf oo uu la dagaalamay isaga oo ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga). Waxa uuna isu diyaarinayaa dagaalka Madaxwaynaha afraad ama shanaad ee JFS (waa Xasan Sheekh oo ay ciyaari dhexda u taallay 2016).
Hadda ba, Su'aasha qiimaheedu halka milyan joogaa waxa weeye: Waa maxay sirta ka dambaysa in Axmed Madoobe 10 sano iska fadhiyo Kismaanyo islamarkaana la dagaalamo dawlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata?!
Jawaabtu waa sahal! Waxaa Kismaanyo ku haya oo u adeegaa xoog ama xoogag shisheeye oo ka awood badan dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dadka reer Jubbaland labadaba.
(daanyeer dhici waayay laanbuu haystaa).
------------
Friday, January 21, 2022
Weli Ma Ka Maqashay Warbaahinta Reer Galbeedka Xasuuq Ayaa Tigreey Ka Geystay Koonfurta Soomaaliya?
January 21, 2022 Yusuf
Warbaahinta gumeystaha Ingiriisku ee BBC laanteeda Afsoomaaliga ayaa qortay in ciidamada Soomaaliya xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya; iyadoo aan ognahay in idaacadaasi iyo guud ahaan warbaahinta reer Galbeedku aysan weligeed xasuuq ugu yeerin wixii Tigreegu ka sameeyey koonfurta Soomaaliya.
Qaarba dhihi doonna ciidankii Tigreegu wuxuu Soomaaliya ku yimid dalab dowladdeed, haddii jawaabtu sidaas tahay ciidanka Soomaaliyeedna wuxuu halkaa ku tegey dalabka dowladda Itoobiya.
Waxay yiraahdeen kaniisadaha ayaa ciidanka Soomaalidu dadka ku gowracayay... Kuwii tigreeguba masaajida ayuu dadka ku gowracayay.
Haddaad tiraahdan askarta Soomaalidu gabdhahii Tigreega ayay kufsadeen, kuwii Tigreeguba gabdho Soomaaliyeed ayay kufsi iyo xadgudub ku sameeyeen ee maxaa kala fadilay xadgudubyada?. Dabcan jawaabtu wax kale maaha waa dan reer galbeed oo diin aysan ka maqnayn.
Inkastoo warkani yahay dacaayad Ingiriis iyo reer Galbeed; haddana waxaan leeyahay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya dayaacadan raqiiska ah ka gudbiya cabasho rasmi ah... waayo maaha in xorriyad la innooga dhigo ku xadgudubka iyo faafinta wararka beenta ah ee ciidankeenna sharafta mudan.
Saturday, January 1, 2022
Waa Maxay Afgembi?
January 01, 2022 Yusuf Cali
Afgembi= Maalmahan ereygan ayaan maqlayna sidii madaxwaynaha jamhuuriyaddu u nasakhay ra'iisul wasaare Rooble..
Farmaajo iyo Rooble haddii aan dhahno kuma ayaa ku dhaqaaqay afgembi, waxaan dhihi karnaa Rooble ayaa ku dhaqaaqay afgembiga runta ah, isagoo garab ka helaaya dalal shisheeye.
• Ciidanla Rooble waxay harreereyey madaxtooyadii qaranka.
• Rooble qabsaday warbaahintii qaranka; farriintada in la baahiyo waa muhiim markii aad afgembi samaynayso, hadaba, Roo
ble wuxuu qabsaday warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkiisa u adeegsadaan
• Rooble wuxuu la wareegay wasaaraddii gaashaandhigga, amniga qaranka, warfaafinta.
• Rooble wuxuu dadka Soomaalida hortooda ka sheegay inuusan aqoonsanayn madaxwaynahii magacaabay... arrinta oo ka dhigan anniga madaxwayne ah wixii xilliga ka dambeeya.
• Rooble wuxuu Muqdisho soo geliyay ciidamo ku hayb ah, isagoo sheegay in amniga Muqdisho ay la wareegayaan ciidan isku dhaf u ku sheegay oo ka amarqaata midowga mooryaanta iyo isaga.
• Rooble wuxuu ciidamo beeleed dhigay oo xirtay waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala madaxtooyadda qaranka
• Shisheeyahii waxay soo saareen digniino; waana calaamadaha muujiya afgembiga.
Afgembiga lagu sheegaya waa ciidanka, idaacada iyo telefeeshinka dalka oo lala wareego si afkaartaada ay u gudbiyaan, iyo madaxwaynaha oo xabsi guri la geliyo... intaasina Rooble ayaa ku dhaqaaqay.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho waxaan leeyahay u soo baxa bannaanka oo muujiya taageeradiinna iyo hiilka madaxwaynaha jamhuuriyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
Yuusuf Cali
Yusuf@yusufaliadam.com / Yusuf@journalist.com
Sunday, October 3, 2021
Taariikhdu Ma Duugowdo
October 03, 2021 Yusuf Cali
Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1975-kii waxaa abaar ba'an oo loo bixiyay abaartii Dabadheer ay ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan gobolladii Waqooyi iyo Bartamaha Soomaaliya.
Sunday, August 15, 2021
Argagaxisadii isu beddeshay fallaagada
August 15, 2021 Yusuf Cali
Monday, June 7, 2021
Gabooye/Midgaan/Boon Ma guurbaa ka maqan mise caddaalad?
June 07, 2021 Yusuf Cali
Ninna ma odhan khasab ha lagu guursado wiilasha ama gabdhaha Gabooye, Boon, Jareer I.w.m. balse haddii gabadh laga soo doontay ama wiil iyo gabar is-calmaday aad khasab ku kala kaxaysid adigoo fiirin qabiilka wiilka ama gabadha sow taasi dembi maaha?, Soomaalidu intooda badan waa dad isu guursada xigaalo iyo qaraabo i.w.m. qaba'iilka aad hayb-sooca ku samayseena dabcan maaha kuwa guur idiinka tuugsan ee waxay idiin weydiisan oo keliya markii la idiin baahdo inaan dembi laga dhigin guurkooda. Sidoo kale waxay idiinka doonayaan waa inaad u oggolataan xaqqooda saamiga awoodda madama ay yihiin sida aan annigu aaminsan ahay dadka Soomaalida ugu tiro badan, iyo inaad shaqooyinkooda iyo hibooyinka Eebbe siiyay ku ixtiraamtaan.
Saturday, March 20, 2021
Intuu qabtay Siyaad Barre ayaa ka badan intuu bi'iyey.
March 20, 2021 Yusuf Cali
Monday, March 8, 2021
Warsangeli/Dubeys iyo Raxanweyn argagaxisada Puntland?!.
March 08, 2021 Yusuf Cali
Ijaabo Yusuf Dhegool xaaska horjooge Siciid Deni oo la wareegtay dhulkii wasaaradda hawlaha guud ee Boosaaso
March 08, 2021 Yusuf Cali
Horjooge Siciid Deni oo deegaannada Puntland looga aqoon ogyahay Jeerta Ooman ayaa ku wareejiyay xaaskiisa Ijaabo Yusuf Dhegool mulkiyada dhulkii wasaaraddii hawlaha guud ee magaalada Boosaaso, maaha markii ugu horreeysay ee qoyska Deni Jeerta ooman la wareegan hanti dadweyne.
Asbuucii hore ayay ahayd markii faraca Qardhood ee wakaaladda xooga korontada u la wareegay walaalka Ijaabo Dhegool oo lagu magcaabo Maxamed Yuusuf Dhegool.
Xigasho- www.sirqarsoon.com
Sirqarsoon@gmail.com
Sunday, March 7, 2021
Jeerta Ooman Oo Cagta Saaray Dhabihii Afwaliinjo
March 07, 2021 Yusuf Cali
Qandaraaskii shisheeyaha 'shillinka uga cuni jiray Afwaliinjo mid la mid ah ayuu horjooge Deni Jeerta Ooman; quud ka raadiyay isagoo ka billaabay tuulada Xamur oo Boosaaso u jirta qiyaastii 40KM. Saaka hiirtii waaberi maleeshiyaad la heyb ah horjooge Deni ayaa weerar ku qaaday beeraleey aan waxba galabsan kuwaas oo laga dhigay qaar la dilo, in la xiro iyadoo hantidoodiina la burburiyay.
Afwaliinjo ayaa hore sidaan oo kale u gubay beerahii timirta ee Galgala, isagoo barakiciyay dadkii ku noola deegaankaasi.
Jeerta Ooman ayaa xirtay kabihii Afwaliinjo ee barakicinta, burburinta iyo laynta beesha galbeedka magaalada Boosaaso. Wuxuuna ka billaabay Xamur oo ah dhul beeraad ay deegaan u ah beesha dhuunta Boosaaso deegaankeedu yahay.
Deni ayaa doonaya inuu deegaanka Xamur u burburiyo sidii Galgala, waxaana u durba billaabay inay maleeshiyaadkiisu dab qabadsiiyan beerahii timirta, sidoo kale gubaan dhirtii, halka ay gowraceen qaar ka mid ah beeraleeydii tuulada Xamur.
Waxaad mooda Jeerta Oomani u xusul duubayso hurinta colaad lagu doonayo in looga helo shisheeyaha shillimaad, lagana leeyahay danno gaar ah iyo aarsi hore.
Beesha horjooge Deni ayaa horey ugu khasaartay heshiiskii 2006 ee shikardii macdan baarista ee Rage Resource ee laga leeyahay dalka Austaralia.
![]() |
| Yusuf Cali Oo ku sugan Xamur 2009. |
Yusuf@journalist.com
Wednesday, February 24, 2021
Maroodigu Takarta saran ma arkee; ka kale Takarta saran buu arkaa
February 24, 2021 Yusuf Cali
Horjooge Deni iyo maamulka beeshiisu uma oggola dadka deegaanka Puntland xorriyad, bannaanbax, demqoraadiyad iyo nololba... taas beddelkeeda waxay ka shaqeeyan isku dirka, dagaallada ehelka, sicir bararka, boobka hantida dadweynaha iyo weliba qabyaalad qaawan.
Sunday, September 13, 2020
Xalane Maxaa Ka Socda?.
September 13, 2020 Yusuf Cali
Marka aad maqasho xerada Xalane waxaa kugu soo dhacaya halyeeygii Soomaaliyeed Maxamed Cabdulle Xalane oo isaga loo magac darray xeradan isu beddeshay dowladda ku dhex-taalla caasimadda ummadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Saturday, July 25, 2020
Saturday, July 11, 2020
Puntland Mise Ilmo Maxamuud Laan?
July 11, 2020 Yusuf Cali








