Tuesday, February 17, 2026

Wariyaha Mihnadda leh iyo Wariyaha Is-tuska ah.


Wariyuhu marka uu qof waraysi ka qaado, hadafkiisu waa inuu baahiyo si dadweynuhu wax u ogaadaan. Haddii wariyuhu uu isagu is hortaago baahinta waraysigaas isagoo u sababaynaya "lebiska qofka" ama "muuqaalkiisa," taasi waxay ka baxsan tahay mihnadda saxaafadda. 
Waqti lumis: Qofka aad waraysiga ka qaaday ayaad waqti ka dhumisay.
​Faafreeb (Censorship): Waxaad noqonaysaa qof adigu xannibaya xogta halkii aad faafin lahayd.

Aragtida Sharciga iyo Anshaxa (Ethics)
​Saxaafadda caalamiga ah, haddii qofka la waraysanayo uusan jebin xeerarka anshaxa ama uusan ku baaqin rabshad, wariyuhu xaq uma laha inuu ka saaro "muuqaalkiisa" darteed haddii uu markii horeba oggolaaday.

​Haddii aad leedahay "Waraysi aan qaaday ayaan diiday inaan baahiyo," taasi maahan guul wariyenimo, balse waa fashil ku yimid ujeedkii waraysiga laga lahaa. Waxay u muuqataa qof raba inuu dadka u sheego: "Anigu waxaan ahay qof saafi ah oo aan baahinin wax lebiskaas leh," taasna waa is-tusnimo ee maaha saxaafad.

Haddaba aan is weydiine waa maxay farqiga u dhaxeeyaha Wariyaha Mihnadda leh (Professional) iyo Wariyaha Is-tuska ah (Attention-seeker):

​- Wariyaha Mihnadda leh: Hadafkiisu waa baahinta xogta iyo inuu dadka gaarsiiyo waxa uu qofka la waraysanayo sheegayo. Wuxuu ixtiraamaa ra'yiga iyo aqoonta qofka uu hor fadhiyo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Hadafkiisu waa inuu isagu muuqdo. Wuxuu rabaa in dadku isaga ka hadlaan (Personal branding) halkii ay ka hadli lahaayeen nuxurka warka. Wuxuu adeegsadaa qofka uu waraysanayo si uu asagu ammaan uga helo qayb ka mid ah bulshada.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu fiiriyaa xeerarka anshaxa saxaafadda (Ma run baa? Ma lagama maarmaan baa? Ma loo baahan yahay?). Haddii uu qof aqoonyahan ah waraysanayo, ma dhibayso lebiskiisu ilaa uu yahay mid meel-ka-dhac ku ah qiyamka guud, laakiin kama dhigo cudurdaar uu waraysiga ku gubo.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu xoogga saaraa shakliga iyo muuqaalka kore. Wuxuu iska dhigaa "Ilaaliyaha anshaxa" isagoo isticmaalaya "Double Standards" (Laba-wejiileyn). Tusaale: Wuxuu ogolaan karaa nin aan hufnayn, laakiin wuxuu diidayaa gabadh timuhu u muuqdaan si uu "Ducaysane" uga helo culimada ama dadka mayalka adag.

​- Wariyaha Mihnadda leh: Haddii uu dhibsanayo lebiska ama muuqaalka qofka, wuxuu u sheegaa inta aan la duubin ka hor. Wuxuu yiraahdaa: "Fadlan, maadaama aan nahay TV hebel, waxaan rabnaa in lebisku sidan ahaado." Waa xirfad iyo hufnaan.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuu iska duubaa isagoo og, ka dibna markii la dhammeeyo ayuu yiraahdaa "Ma baahinayo." Tani waa khiyaano mihnadeed iyo waqti lumis uu ku sameeyay qofka martida ah.

- Wariyaha Mihnadda leh: Wuxuu ka hadlaa dhibka taagan iyo xalka.

​Wariyaha Is-tuska ah: Wuxuu Facebook soo dhigaa: "Waan diiday inaan baahiyo waraysigii heblaayo," isagoo raba in loo sacab tumo. Wuxuu ka ganacsadaa "Moral Superiority" (Inuu dadka kale iska sarreysiiyo xagga akhlaaqda).

Ugu dambayantii wariyaha runta ahi waa buundo xogta gudbisa, laakiin kan is-tuska ahi waa derbi xogta xanniba si uu isagu "sawir qurxoon" u yeesho.



Yusuf Ali Adan
Yusuf@yusufali.site 

Gorgortanka masiirka Soomaaliya


Geeska Afrika maanta ma aha meel looga sheekeeyo daris-wanaag, balse waa fagaare ay ku loolamayaan quwado caalami ah iyo kuwo gobol, halkaas oo Soomaaliya ay u muuqato miiska raashinka lagu dhex cunayo halkii ay ka ahaan lahayd dowladda miiska fadhida.


 Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee Itoobiya, xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waa farriin dublamaasiyadeed oo culus. In kasta oo Turkigu yahay saaxiibka ugu dhow ee dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, haddana waa dal raadinaya danahiisa dhaqaale iyo kuwa istiraatiijiyadeed.

  • Turkigu wuxuu heshiis sedbursi ah la saxiixday dowladda Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo u shidaal uga baadhayo badda Soomaaliya. Si uu hawlgalkaas si nabad ah u fuliyo, wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha Itoobiya.

  • Erdogan wuxuu doonayaa inuu Itoobiya ku qanciyo in badda Soomaaliya lagu gaadhi karo nidaam dowladeed, isaga oo dhanka kalena ilaalinaya saaxiibtinimada Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya aysan sii ahaan karin dal xidhan. Hadalkiisa ku aaddan in 135 milyan oo Itoobiyaan ahi ay bad u baahan yihiin waa "dhawaaq dagaal" oo lala beegsaday madaxbannaanida Soomaaliya. Itoobiya waxay doonaysaa inay xoog ama xeelad ku hesho marin badeed, iyadoo isticmaalaysa daciifnimada dadka iyo dowladda  Soomaaliya.


Garabka Koowaad (Damaca iyo Is-ballaarinta)

Garabka Labaad (Is-difaaca iyo Dheelitirka)

Itoobiya, Imaaraadka, Israa'iil

Turkiga, Masar, Sacuudiga

Waxay ka shaqaynayaan inay Itoobiya hesho marin badeed si loo wiiqo awoodda dalalka Carabta ee badda cas iyo in la abuuro khariidad cusub oo ganacsi.

Waxay rabaan in la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya si loo ilaaliyo amniga Badda Cas (Suez Canal) iyo in laga hortago saamaynta Imaaraadka.

Halka dalalkii adduunku ay ka doodayaan xuduudaha badda Soomaaliya iyo kheyraadka hoos yaalla, madaxda Soomaalidu waxay ku jiraan dagaal "fataal" ah.

  • Dadka Soomaaliyeed waxay ku mashquulsan yihiin xurguf qabiil, iyagoo kala taageeraya nidaamyo goboleed oo shisheeyuhu dabada ka riixayo.

  • Halka Abiy Ahmed uu ka hadlayo masiirka 135 milyan oo qof, madaxda Soomaalidu waxay isku haystaan muddo kororsi, saami-qeybsi beeleed, iyo dano shakhsi ah oo aan ka weynayn "mis-qaala darati".


Waa wax laga naxo in xilligii dalka la badbaadin lahaa, ay Siyaasiyiintii Soomaalidu ku mashquulsan yihiin "Anniga Kursiga leh?" iyo "Annaga deegaan hebel leh?". Haddii aan laga kicin hurdada qabyaaladda iyo danaha gaarka ah, waxaa dhici doonta in jiilka soo socda ay marti ku noqdaan dalkooda, iyadoo calanka Turkiga, Itoobiya, iyo Imaaraadku uu ka dul ruxmayo khayraadkii ay lahaayeen.



Yusuf Ali Adan

Yusuf@yusufali.site 

Billowga Saaxiibtinimada madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Deni Yaxaas.


Waxa jiri jiray Danyeer deggen geed tufaax oo ku yaalla qarka wabiga Shabeelle. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa geedka hoostiisa yimid Yaxaas aad u gaajaysan oo Puntland ka soo hayaamay. 

Danyeerkii oo naxariis leh ayaa dhowr xabbo oo tufaax ah u tuuray Yaxaaskii.

​Yaxaaskii aad buu ugu farxay dhadhanka tufaaxa, wuxuuna bilaabay inuu maalin kasta u yimaado Danyeerka si ay u sheekaystaan, tufaaxna u siiyo, waxayna noqdeen saaxiibo dhow.
Maalin ayaa ​Yaxaaskii, tufaax u geeyay xaaskiisii oo tuulo Garoowe joogta. Markii ay dhadhamisay, ayay tiri: ​"Haddii uu tufaaxan sidan u macaan yahay, qofka maalin kasta cuna wadnihiisu sow kama macaan badna?. Waxaan rabaa inaad ii keento wadnaha saaxiibkaa Danyeerka.

​Yaxaaskii markii hore waa diiday, laakiin xaaskii ayaa ku adkaysatay ilaa uu ugu dambayn oggolaaday inuu saaxiibkiis khiyaameeyo.

​Yaxaaskii ayaa u yimid Danyeerkii wuxuuna ku yiri: "Saaxiib, xaaskayga ayaa kugu martiqaadday casho caawa si ay kaaga mahadceliso tufaaxa." 

Danyeerkii wuu oggolaaday, wuxuuna ku booday dhabarka Yaxaaska si uu wabiga uga gudbiyo oo tuulo Garoowe loo geeyo.

​Markii ay dhexda marayeen, Yaxaaskii ayaa dareen damqasho leh dareemay oo runta u sheegay Danyeerkii: "Saaxiib, xaaskayga ayaa rabta inay wadnahaaga cunto."

​Danyeerkii oo aad u argagaxay laakiin aad u caqli badnaa ayaa ku yiri Yaxaaskii: ​"Saaxiib, mar hore iigu sheegi wayday? Annaga danyeerada ah wadnahayaga kuma sidano feeraha, ee waxaan kaga tagnaa geedka tufaaxa dushiisa markaan meel aad u fog aadayno. Na celi si aan u soo soo qaadne dumaashi!".
​Yaxaaskii doqonka ahaa ayaa rumeeystay warkii danyeerka, dib ayuuna u celiyay. Markii ay berriga ku dhawaadeen, Danyeerkii ayaa si degdeg ah ugu booday geedkii tufaaxa dushiisa.

​Markii uu ammaan helay, ayuu yiri: "Nacas yahayow, ma jiraa qof wadnihiisa geed kaga taga?. Maanta wixii ka dambeeya saaxiibtinimadeenii way dhammaatay!.

Yusuf Cali 
Yusufcadam@gmail.com 

Tuesday, June 14, 2022

Waa Kuma Wadaadka aan Dhicin?



Magiciisu waa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxa uu kujiraa da' todobaatanaad. Taasi waxay ka dhigaysaa in uu yahay mid kamida saddexda nin ee ugu da'da wayn madaxda Soomaaliyeed ee geeska Africa (waxa ay isku fac' yihiin Geella-ha Jabuuti iyo Biixi-ga Somaliland). 


Magiciisa waxaa si fiican loo bartay kaddib soobixitaankii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa (2006) oo uu kasoo galay dhinaca guutadii Raaskaanbooni ee uu odayga ka ahaa Sh. Xasan Cabdalle Xirsi (Xasan Turki) - AHN - oo ay xigto iyo xidid hoose ahaayeen. 


Isla xilligaa (2006) waxa uu kamid noqday xubnihii Muqdisho ku aas'aasay ururka Al-shabaab, waxa uuna noqday guddoomiye ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ururka isaga oo ku yimid saamiga guutada Raaskaambooni, halka ay jagada guddoomiyaha na qaateen guutadii Salaaxudiin Al-ayuubi ee Axmed Godane (AHN) iyo Aadan Cayrow (AHN).


Waxaa kale oo uu soo noqday (2006) gudoomiyihii Jubbada Hoose ee Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah. 


Kaddib duullaankii Ciidamada Itoobiya ee Koonfurta Soomaaliya, waxaa isaga oo dhaawaca qabtay Sirdoonka Maraykanka iyo Itoobiya, waxaana muddo lagu hayay isla markaana lagu dhaawicinayay guri ku yaalla magaalada Addis Ababa oo la haayeen sirdoonka Itoobiya (TPLF). Waxaa loo badiyaa in uu halkan ka billowday xidhiidhka wanaagsan ee uu la yeeshay sirdoonkii Itoobiya (TPLF), Kenya kan Markaykan. Walow ay jiraan tuhumo kale oo sheegaya in uu xidhiidhkiisu ka horreeyey qabashadiisa; haddana wax caddayna looma hayo, ogaalkay. 


Waxa uu xabsigii kasoo baxay (2009) ama lasoo daayay kaddib heshiis dhex-maray Isbahaysigii Dibu-xoraynta Soomaaliya (ARS) iyo dawladdii TFG.  


Waxa uu markaa noqday xubin ka tirsan Baarlamaankii cusbaa ee lagu soo dhisay Jabuuti (2009) isaga oo kasoo galay dhinaca saamigii ARS. 


Isla sannadkaa (2009) waxa uu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka, waxa uuna iskaga baxsaday dawladdii Sh. Shariif isaga oo dib ugu laabtay Raaskaambooni iyo Xisbul-Islaam (kooxihii Sh. Xasan turki iyo sh, Xasan Daahir Aways), waxa uuna markii dambe noqday (2010) taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose. 


Kaddib dagaallo isaga iyo Al-Shabaab dhex maray oo ku saabsanaa gacan-kuhaynta Kismaanyo waxa uu noqday Jabhad fadhigiisu yahay xuduud-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya oo kutiirsan kaalmada sirdoonada Kenya iyo Itoobiya, taas oo ugu dambayn u suurtagalisay in uu mar kale Kismaanyo dib u qabsado dhammaadkii 2012, isaga oo ay galbinayaan guutooyin ka tirsan ciidanka difaaca Kenya (KDF) oo markaa oggolaansho-la'aan kusoo galay soomaaliya. Duullaanka ciidanka Kenya, waxaa ka hor-yimid Madaxwaynihii dawladda TFG, Sh. Shariif; hayeeshee dheg looma jalaq-siin.


Isla dhammaadkii sanadkaa (2012) ilaa August 2013, waxa uu Kismaayo ka ahaa hoggaamiyaha maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Jubbaland


August 2013, waxa uu qabtay doorasho muran dhalisay oo uu ku noqday Madaxwaynaha rasmiga ah ee maamulka Jubbaland. Kenya iyo Itoobiya way aqoonsadeen doorashadiisa si deg-dega; laakiin waxaa kasoo hor-jeedsaday dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo uu markaa joogay Xasan Sh. Maxamuud, waxaana Kismaayo lagaga dhawaaqay dhawr Madaxwayne oo kale oo ay kamid ahaayeen: Barre Hiiraale iyo Iftiin Baasto. 


Si khilaafkaa loo dhammeeyo waxaa isla sanadkaa (2013) Addis Ababa lagu heshiisiiyay Axmed Madoobe iyo Dawladdii Xasan Sheekh + raggii kale ee Kismaayo ka sheegtay Madaxwaynayaasha. Axmed Madoobe, waxaa markan lagu qan-ciyay in uu qaato laba sano (2) sano oo maamul kumeel-gaadha (2013 - 2015), kana tanaasulo afarta sano. Doorka dhex-dhexaadinta waxaa lagu qabtay magaca urur gobaleedka IGAD; laakiin waxaa sal iyo baar ka shaqaysay saraakiishii TPLF oo dhinacyada oo dhan xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyay, si gaara Axmed Madoobe.


August 2015, waxa uu mar kale qabtay doorasho kale oo muran badan dhalisay laakiin la odhan karo waatii ugu roonayd xaggiisa, waxa uuna qaatay muddo xileed cusub oo afar sano ah (2015 - 2019). 


Mar saddexaad, August 2019, waxa uu qabtay doorasho kale oo la-jaada kuwii hore, waxa uuna mar saddexaad noqday Mw. Jubbaland oo muddo xileedkiisu yahay afar sano (August 2019 – August 2023). 


Sida tii 2013'kii, waxaa Kismaanyo lagaga dhawaaqay Madaxwaynayaal kale sida: Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig. Mar kale (si lamida 2013), dawladda dhexe ee soomaaliya ee Farmaajo hoggaankeeda joogay ma aqoonsan doorashadiisa; laakiin waxaa si deg-dega u aqoonsatay dawladda Kenya oo caleema-saarkiisii u soo dirtay wafti heer sare ah oo uu hor ka cayay hoggaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale. (Itoobiya xilligan isbeddel ayaa ka jiray, kooxdii TPLF ee Axmed ku tiirsanaana talada waa laga tuuray oo hiil kamuusan helin)..


khilaaf muddo u dhexeeyay isaga iyo dawladda dhexe, waxaa goor dambe (sidii 2013 dawladdii Xasan sheekh) loo oggolaaday in uu qaato laba (2) sano oo kumeel-gaadha isla markaana qayb ka noqdo hanaanka doorashada dad'ban ee dalka (2020/2021) isla markaana dibu-heshiisiin loo sameeyo Jubbaland'ta qaybsan. Siyaasiyiintii sheegtay madaxwaynayaasha Jubbaland (Seeraar iyo xidig) iyana waxaa arrinkooda dhammeeyay dawladda Kenya oo uu hay'adaheeda amniga xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyay. 


Intii lagu guda jiray jiitanka doorashada iyo hubant-la'aanta siyaasadeed ee dalka waxaa uu qaatay go'aammo baalmarsan ama burinaya xeerarka iyo heshiisyada dalka. Waxa kamida: 


1) in uu heshiis hoosaad la galay shirkadda boobka dekadaha soomaaliya u qaabilsan Imaaraadka ee DP-WORLD, taas oo dekadda Kismaanyo la wareegi-doonta isla markaana samayn-doonta ciidan lamida kan Imaaraadka u jooga dekadda Boosaaso - si uu ciidankaasi u ilaaliyo masaalixda iyo mashaariicda UAE. (Ciidanka haddaaba la qoraa oo la diyaarinayaa). 


2) in uu dhoofiyay dhuxuushii ugu bad'nayd oo muddo dheer Kismaanyo taallay, taas oo uu gacan qarsoon ku lahaa R/Wasaare Rooble. (Dhuxusha Soomaaliya waxa uu golaha ammaanku kasoo saaray qaraar lagu mamnuucay dhoofinteeda).

  

3) in uu noqday siyaasiga kaliya ee buriyay heshiiskii/xeerkii doorshada dad'ban ee soomaalidu ku heshiisay isla markaana xildhibaanadii gobalka Gedo kusoo xulay xero ay leeyihiin ciidanka Kenya oo ku taalla duleedka magaalada Ceel-waaq.


Hadda, waxa uu macasalaameeyay nidaamkii saddexaad ee DFS ee ay is qabtaan (aan idhaahdee loo adeegsaday, — waa markii aan ka reebno nidaamkii Cabdullaahi Yuusuf oo uu la dagaalamay isaga oo ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga). Waxa uuna isu diyaarinayaa dagaalka Madaxwaynaha afraad ama shanaad ee JFS (waa Xasan Sheekh oo ay ciyaari dhexda u taallay 2016). 


Hadda ba, Su'aasha qiimaheedu halka milyan joogaa waxa weeye: Waa maxay sirta ka dambaysa in Axmed Madoobe 10 sano iska fadhiyo Kismaanyo islamarkaana la dagaalamo dawlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata?! 


Jawaabtu waa sahal! Waxaa Kismaanyo ku haya oo u adeegaa xoog ama xoogag shisheeye oo ka awood badan dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dadka reer Jubbaland labadaba. 

(daanyeer dhici waayay laanbuu haystaa).


------------


Friday, January 21, 2022

Weli Ma Ka Maqashay Warbaahinta Reer Galbeedka Xasuuq Ayaa Tigreey Ka Geystay Koonfurta Soomaaliya?



W
arbaahinta gumeystaha Ingiriisku ee BBC laanteeda Afsoomaaliga ayaa qortay in ciidamada Soomaaliya xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya; iyadoo aan ognahay in idaacadaasi iyo guud ahaan warbaahinta reer Galbeedku aysan weligeed xasuuq ugu yeerin wixii Tigreegu ka sameeyey koonfurta Soomaaliya.


Qaarba dhihi doonna ciidankii Tigreegu wuxuu Soomaaliya ku yimid dalab dowladdeed, haddii jawaabtu sidaas tahay ciidanka Soomaaliyeedna wuxuu halkaa ku tegey dalabka dowladda Itoobiya.


Waxay yiraahdeen kaniisadaha ayaa ciidanka Soomaalidu dadka ku gowracayay... Kuwii tigreeguba masaajida ayuu dadka ku gowracayay.


Haddaad tiraahdan askarta Soomaalidu gabdhahii Tigreega ayay kufsadeen, kuwii Tigreeguba gabdho Soomaaliyeed ayay kufsi iyo xadgudub ku sameeyeen ee maxaa kala fadilay xadgudubyada?. Dabcan jawaabtu wax kale maaha waa dan reer galbeed oo diin aysan ka maqnayn.


Inkastoo warkani yahay dacaayad Ingiriis iyo reer Galbeed; haddana waxaan leeyahay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya dayaacadan raqiiska ah ka gudbiya cabasho rasmi ah... waayo maaha in xorriyad la innooga dhigo ku xadgudubka iyo faafinta wararka beenta ah ee ciidankeenna sharafta mudan.


Yuusuf Cali

Saturday, January 1, 2022

Waa Maxay Afgembi?


 


Afgembi= Maalmahan ereygan ayaan maqlayna sidii madaxwaynaha jamhuuriyaddu u nasakhay  ra'iisul wasaare Rooble.. 


Farmaajo iyo Rooble haddii aan dhahno kuma ayaa ku dhaqaaqay afgembi, waxaan dhihi karnaa Rooble ayaa ku dhaqaaqay afgembiga runta ah, isagoo garab ka helaaya dalal shisheeye.


• Ciidanla Rooble waxay harreereyey madaxtooyadii qaranka.

• Rooble qabsaday warbaahintii qaranka; farriintada in la baahiyo waa muhiim markii aad afgembi samaynayso, hadaba, Roo



ble wuxuu qabsaday warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkiisa u adeegsadaan

• Rooble wuxuu la wareegay wasaaraddii gaashaandhigga, amniga qaranka, warfaafinta. 

• Rooble wuxuu dadka Soomaalida hortooda ka sheegay inuusan aqoonsanayn madaxwaynahii magacaabay... arrinta oo ka dhigan anniga madaxwayne ah wixii xilliga ka dambeeya.

• Rooble wuxuu Muqdisho soo geliyay ciidamo ku hayb ah, isagoo sheegay in amniga Muqdisho ay la wareegayaan ciidan isku dhaf u ku sheegay oo ka amarqaata midowga mooryaanta iyo isaga. 

• Rooble wuxuu ciidamo beeleed dhigay oo  xirtay waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala madaxtooyadda qaranka

• Shisheeyahii waxay soo saareen digniino; waana calaamadaha muujiya afgembiga. 


Afgembiga lagu sheegaya waa ciidanka, idaacada iyo telefeeshinka dalka oo lala wareego si afkaartaada ay u gudbiyaan, iyo madaxwaynaha oo xabsi guri la geliyo... intaasina Rooble ayaa ku dhaqaaqay.


Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho waxaan leeyahay u soo baxa bannaanka oo muujiya taageeradiinna iyo hiilka madaxwaynaha jamhuuriyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.  


Yuusuf Cali

Yusuf@yusufaliadam.com / Yusuf@journalist.com 

Sunday, October 3, 2021

Taariikhdu Ma Duugowdo



Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1975-kii waxaa abaar ba'an oo loo bixiyay abaartii Dabadheer ay ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan gobolladii Waqooyi iyo Bartamaha Soomaaliya. 


Waa loo gurmaday Waqooyi, dadkii dhibaateysnaa ayaa lala gaaray gurmad deg deg ah, Raashin, dawo iyo dhar, intaa looguma simine dhammaantoo dadkii dhibaateysnaa iyo xoolihii yaraa ee noolaa ee u haray ayaa baabuur waaweyn lagu soo daad intii ka hartay ayaa la soo daad gureeyay oo la soo raray 18-kii June 1975, waxaana la dejiyay deegaannada Koonfureed, gaar ahaan Bu'aalle, Sablaale, Kuntuwaareey, Baraawe, Cadale, Danwadaagta Dajuuma iwm. 


 Martidaasi dhibaateysnayd waa loo soo dhoweeyey si heer sare ah, waa loo mashxaradayay, dhulal baa la siiyay, webiyada hareerihiisa ayaana la dejiyay, kuwii beeraleyda ahaa beerashada ayaa la baray, beerro webiyada ku dhowna waa la siiyay, kuwii kalluumeysatada ahaana waxaa la geeyay dhanka xeebaha, kalluumeysigana waa la fahamsiiyay, waxaana la siiyay doomo iyo qalab Kalluumeysi. Abaartii Dabadheer waxaa waqooyi laga soo raray 120 kun oo qofood, waxaa ka qayb qaatay gurmadkaasi 615 gawaarida xamuulka ah, 24 diyaaradod oo dadka iyo loojistikada lagu daad gureynayay, waxaa dowladdii kacaankuna ay dhistay 16 garoommo diyaaradeed oo yaryar si ay diyaaraduhu ku degi karaan haddii xaalad deg deg ay timaaddo. Tallaabadaasi walaalaha gobollada Waqooyi lagu soo rarayay waagaa ee ay qaadday dowladdii kacaanku waxay ahayd mid aad loola yaabay oo xitaa waqtigaa ku adkeyd dowladaha horumaray qaarkood, waayo arrintaa waxay u baahnayd kharash, qorshe, dhaqaale iyo awood. 


46 sano kaddib waa nasiib darro aad u weyn in walaalaha Waqooyi ay si naxariis darro ah gawaari xamuul ugu soo guraan dad Soomaaliyeed oo ku nool deegaannadooda, kuna tilmaamaan ajaanib ka timid Soomaaliya, dadkan lagu xad gudbay ayaa anacsi iyo xoolo kulahaa deegaannada laga soo musaafiriyay, gaar ahaan Laas Caanood. Dadkan la soo raafay waxaa ku jiray, dumar iyo carruur, iyagoo aan loo digin, lagu wargelin inay guuraan, hantidoodana ay la baxaan ayaa si xoog ah loo maquuniyay dukaammadoodii, hantidoodii iyo wixii ay lahaayeenna waa laga soo reebtay, taasoo ah dambi taariikhda ku qormaya. Dhammaan culumada Soomaaliyeed iyo dadka waxgaradka ah ee ku nool Somaliland waa inaysan arrintaan ka aamusin oo ay ka hadlaan, haddii kale waa qorshe la isla ogyahay oo lagu wada faraxsan yahay.


Yusuf Cali